Xukuumadda Puntland oo maanta soo saartay digniin ku saabsan Roobabka gu’ga ayaa ku wargelisay dhammaan dadweynaha miyi iyo magaalo in ay isaga baxaan meelaha godan iyo biya-mareenka ah.
“Waxay digniintaani ku socotaa dhamaan bulshada ku dhaqan Puntland miyi iyo magaalaba Sidaan wada ognahay, waxaa jiray abaar baahsan oo ka dhalatay roob yaraantii xilligii Dayrta iyo Gu’gii hore,waxaa hada ilaahay mahadiis inoo curtay roobkii Gu’ga.”
“Saadaasha waxaa ka muuqanaysa rajo fiicanin asbuuc roobeedka 10ka ilaa 16ka April 2025 in deegaanada Puntland ay helayaan 50 ilaa100mm, balse hada Meelaha roobku ka da’ay waxaa daadad gaystay khasaare Naf iyo maal ah” ayaa lagu yiri digniin ka soo baxday Wasaaradda gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Puntland
“Hadaba, Wasaaradda gargaarka iyo Maarayta Musiibooyinka Puntland waxay bulshada reer puntland ku wargelinaysaa gaar ahaan reer-miyiga iyo dadka degan meelaha biyo mareenada ah togaga,dooxooyinka, iyo meelaha godan inay ka feejignaadaan kana fogaadaan meel kasta oo daad ka imaan karo” ayay sii raacisay digniintani
PUNTLAND POST