35 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka labada Aqal ee ka soo jeeda Jubbaland ayaa qaadacay shuruucda la xiriirta doorashooyinka ee Baarlamaanka la horgeeyay iyo tallaabadii Guddiga Kumeel gaar loogu saaray oo ah mid baalmarsan Dastuurka.
Xildhibaannada ayaa taageero weyn u muujiyay doorashada ay Jubbaland galeyso, taasoo ay ku tilmaameen inuu yahay mid waafaqsan sharciga iyo dastuurka dowladda Federaalka iyo kan Jubbaland.
“Iyadoo ay naga go’an tahay in xal lavatory helo wadashaqeynta Jubbaland iyo dowladda Federaalka, haddana tallaabooyinkan ay qaadayso dowladda Federaalka waxay halis ku yihiin inay sii ballaariyaan khilaafyada jira” ayay ku sheegeen Warsaxaafadeed ay soo saareen xildhibaannadaasi.
Khilaafka Jubaland iyo dowladda federaalka ayaa salka ku haya nooca doorasho ee la qabanayo, ayada oo dowladda federaalka ay dooneyso doorasho toos oo qof iyo cod ah, halka Jubaland ku adkeysanayso doorasho dadban.
Halkan hoose ka akhriso Warsaxaafadeedka
PUNTLAND POST