Muqdisho, Soomaaliya [SMN] – Xisbiga Himilo Qaran ayaa soo dhoweyn iyo taageero u muujiyey bayaanka wadajirka ah ee ay soo saareen saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya, kuwaas oo taageeray wadahadalka qaranka ee uu soo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh.
Xisbiga ayaa xaqiijiyey in uu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato dhisidda midnimo qaran iyo in la hubiyo in codadka dhammaan bulshada Soomaaliyeed la maqlo intii lagu guda jiro geeddi-socodka wadahadalka.