ARUSHA (SMN) – Madaxweynaha Kenya William Ruto oo ka hadlayay meertada 24aad ee Shirka Ururka Bulshada Bariga Afrika ayaa shaaciyay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kulan la qaadanayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Wuxuu Ruto sheegay in isaga iyo Museveni, Madaxweynaha Uganda ay kulanka dhex-dhexaadinayaan, si lavatory qaboojiyo xiisadda diblomaasi ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya taasoo uu sheegay inay saameyn ku yeelatay gobolka Geeska Afrika.
“Aniga iyo Museveni waxaan qorsheynaynaa in shir isagu keenaynaa walaalkayga Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, si aan u yareyno xiisadda gobolka Geeska Afrika, maxaa yeelay amniga iyo xasilooni Soomaaliya waxay saameyn wayn ku leeyihiin xasiloonida gobolkeenna, waxayna dhaawacaysaa isdhex-galka ganacsiga iyo maalgashiga,” ayuu yiri Ruto.
Ruto ma uusan shaacin xiligan uu kulanka dhici doono iyo goobta lagu qabanayo, balse wararka ayaa sheegaya in Kenya iyo Uganda midkooda ka dhici doono, maadaama ay xiriir wanaagsan la leeyihiin madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya.
Abiy Axmed ayaa horey uga codsaday madaxda gobolka, oo Museveni, Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ay kamid yihiin, inay lakulansiiyaan Madaxweyne Xasan Sheekh, balse aan suurtagalin inay mira-dhal noqdaan dadaaladii la sameeyay ee la isagu keeni lahaa labada hogaamiye.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inaysan la fariisin doonin Itoobiya illaa ay ka laabato heshiiska badda ay la gashay maamulka Somaliland horaantii sanadkan.
Turkiga ayaa labo jeer wadahadalo u qabtay Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana ay kusoo dhamaadeen natiijo la’aan shirarkii wasiirada arrimaha dibadda labada dal ku yeesheen dhawaan magaalada Ankara, iyadoo wareegi 3aad oo lavatory balansanaa uu qasoomi waayay.