Wasiiru-dowlihii wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Jire Qalinle oo ka soo jeeda Jubaland ayaa Maanta iska casilay Xilkaasi.
Qoraal Rasmi ah oo uu u gudbiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayuu ku caddeeyay Cabdirashiid Jire Qalinle in uu iska casilay Xilkii Wasiiru-dowlihii wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Mudane Cabdirashiid Jire ayaa ku sababeeyay is casilaaddiisa in dowladda Soomaaliya ee hadda Talada haysa si gaar ah u takoorayso Maamullada Puntland, Jubaland iyo SSC-khaatumo islamarkaana ka abuurayso colaado iyo xasilooni-darro siyaasadeed.
Dowladda Xasan Sheekh ayuu sidoo kale ku eedeeyay in ay ka been-sheegtay Hal-ku-dhigii ahaa “Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la’ ah” waxaana uu sheegay in Soomaaliya ka gashay dagaallo Sokeeye iyo Kala tag bulsho.
Halkaan ka akhriso Qoraalka Is casilaadda
PUNTLAND POST