Wasiirka Qorshaynta dowladda Puntland Maxamed Siciid Faroole ayaa gebi ahaanba isaga baxay Xisbiga Madaxweyne Deni ee KAAH.
Qoraal uu bartiisa Facebooku ku faafiyay ayuu ku sheegay Wasiir Maxamed Siciid in uu iska casilay kamid ahaanshaha Xisbiga Xukuumadda Puntland ee KAAH.
“Waxaan maanta oo taariilhdu tahay (16 Diseember 2023) iskacasilay ka mid ahaanshihii Xisbiga KAAH”.
“Waxaan aad uga xumahay in uu Xisbigu ku guuleysanwaayey dhamaan mabaa’diidii iyo siyaasadihii aan kaga mid noqday, gude (Puntland) iyo dibadba (Somalia)”.
“Waxaan raali-galinayaa dhamaan shakhsiyaadkii iyo shacabkii dhibanayaasha unoqday go’aamadii iyo qorshayaashii Xisbiga KAAH fulinayey intii aan ka midka ahaa” ayuu yiri Wasiirka.
Sidoo kale waxa uu u mahadceliyay Madaxweyne Deni oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Kaah”Waxaan umahadcelinayaa Gudoomiyaha Xisbiga KAAH, ahna Madaxweynaha Dawlada Puntland”.
PUNTLAND POST