Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay xilka qaadis ay sheegeen xubno ka tirsan golaha degaanka degmada Saaxo in ay ku sameeyeen maamulkii degmadaasi.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayay ku sheegtay in aysan waxba ka jirin xilka qaadistii ay sheegeen xubnaha golaha degaanka degmada Saaxo ee gobolka Mudug in ay ku sameeyeen guddoomiyihii degmada iyo ku xigeenkiisi kaddib markii ay ku eedeeyeen xil gudasho la’aan.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland Cabdi Faarax Juxaa wuxuu go’aamiyey in aysan waxba ka jirin xilka qaadistii la sheegay in xilkii laga qaaday guddoomiyaha iyo guddoomiye Ku xigeenka degmada Saaxo ee gobolka Mudug sida ku cad qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.
“Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland Cabdi Faarax Juxaa wuxuu go’aamiyey in aysan waxba ka jirin xilka qaadistii la sheegay in xilkii laga qaaday guddoomiyaha iyo guddoomiye Ku xigeenka degmada Saaxo ee gobolka Mudug” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.
PUNTLAND POST