In ka badan 60 xubnood ayaa la soo xulay xildhibaannada cusub ee Baarlamanka dowladda Puntland sida aan ka xigannay ilo lagu kalsoon yahay.
Wararka ayaa sheegaya in xubnaha harsan qaarkood lagu dhawaaqi doono saacado yar kadib islamarkaana lavatory gudbin doono guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada.
17-ka xildhibaan ee laga soo doorto SSC-khaatumo ayaa dhammaantood xukuumaddu soo xushay waxaana lavatory gudbiyay guddiga xallinta Khilaafaadka sida ay wararku tilmaamayaan.
Guddiga ansixinta Baarlamanka iyo xallinta Khilaafaadka ayaa xalay shaaciyay in hal maalin lagu daray soo gudbinta araajida xildhibaannada kuna eg tahay 26 Dec oo ku beegan Talaadada maanta ah.
PUNTLAND POST