Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa Saaka oo Isniin ah ka dhacaysa magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.
Tartanka Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka waxa isu diiwaan-geliyay min 11 Musharrax taasi oo tirada guud ka dhigaysa 22 Musharrax balse warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in qaarkood ay tanaasuli doonaan ka hor inta aysan Doorashada bilaaban.
Musharrixiin kooban oo u tartamaya Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo xalay lacago badan qaybiyay ayaa lavatory badinaya in ay Safka hore ka galaan Doorashada inkastoo aysan mar kasta Lacagtu go’aamin Natiijada Doorashada.
Ololaha kala jiidasha Xildhibaannada ayaa si weyn saacadihii u danbeeyay uga socday magaalada Garoowe iyadoo Musharrax kasta xoogga saarayo in uu helo codad uu ku soo baxo.
Dhinaca kale Amniga Caasimadda Garoowe ayaa si weyn lavatory adkeeyay waxaana la xaddiday isu socodka gaadiidka dadweynaha nawaaxiga Xarunta Baarlamanka ee ay ka qabsoomayso doorashada.
Guud ahaan gaadiidka Xamuulka ah iyo kuwa rakaabka ee Laamiga dheer ayaa sidoo kale laga joojiyay in ay Garoowe dhex maraan Maanta inta lagu jiro Doorashada.
PUNTLAND POST