WASHINGTON [SMN] – Saraakiil katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa u jeediyay Madaxweyne Trump inuu xiro safaaradda Mareykanka ee magaaladda Muqdisho sababo la xiriira dhanka amniga, sida uu qoray wargeyska New York Instances oo kasoo baxa dalka Mareykanka.
Tallaabadan ayaa ah mid looga taxadarayo amniga diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha ka shaqeeya safaaradda kadib markii Al-Shabaab ay sida ay sheegeen Saraakiisha katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay horumaro ka sameysay dagaalka, islamarkaana ay soo gaareen meelo ku dhaw magaaladda Muqdisho.
Saraakiisha katirsan maamulka Trump ayaa sidoo kale ku baaqey in Ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya, lana joojiyo howlgallada militeri iyo duqeymaha diyaaradeed ee lagu taageerayo dagaalka dowladda Federaalka kula jirto Al-Shabaab.
Walaaca ayaa ah mid xiran fashilkii Mareykanka kasoo gaarey Libya, oo safiirkiisa lagu dilay magaaladda Bengazi 2012, iyo guul-daradii Afghanistan oo markii kasoo baxeen Ciidamadii NATO iyo kuwii Mareykanka 2021 ay dhacday dowladdii ka jirtay dalkaas.
Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo lagu qiyaasay 500 illaa 600 oo askari, kuwaasoo tababar iyo la-talin siiya Kumaandooska Danab, waxayna fuliyeen duqeymo lavatory adeegsadayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka, oo beegsada goobaha Al-Shabaab iyo Daacish ku sugan yihiin.
Si kastaba, saraakiil kale katirsan Gollaha Amniga Qaranka Mareykanka ayaa ka digay in la xiro safaaradda, iyadoo ku doodaya in tallaabadaas ay dhaawacayso kasoonida dowladda Soomaaliya, waxayna keeni kartaa inay burbrto dowlada ama dhaawac soo gaaro xiriirka labada dal.