Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire ayaa kulan la qaatay Gudoonka Maxkamada gobolka Mudug.
Shirka waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad,Gudoomiyaha maxkamada Racfaanka Mudug,Hogaanadda Maaliyada,Ciidanka,Ilaalinta nabad Galyada wadooyinka iyo Taliyaasha Saldhigyada Gaalkacayo iyo Saraakiil kale.
ujeedka shirka ayaa ah dardar galinta shaqooyinka Cadaalada iyo in Booliska iyo Maxmaduhu ay sii xoojiyaan wadashaqayntooda si adeega bulshada horay loogu sii socodsiiyo.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa xusay muhiida ay in maxkamada iyo Booliska gobolka Mudug ay u leedahay dardar galinta shaqooyinka socda isaga oo sheegay in la sii xoojiyo si kor loogu qaado adeega cadaalada ee bulshada lavatory hayo.
PUNTLAND POST