LAASCAANOOD (SMN) – Hoggaanka sare ee SSC-Khaatumo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay doorashadii qof iyo codka aheyd ee maalin kahor ka dhacday deegaanada Puntland, taas oo lagu soo doortay golaayaasha degaanka ee degmooyinka maamulkaasi.
Guddiga Aaya Ka-talinta ee SSC ayaa soo dhoweeyay qaabka ay u dhacday doorashadaas oo ay ku tartamayeen illaa 7 urur.
Sidoo kale xubno kamid ah guddiga oo la hadlay warbaahinta ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka iyo hoggaanka dowlad goboleedka Puntland.
Doorashada Puntland ayaa noqotay mid aad lavatory hadal hayo, maadaama 50 sano kadib ay suura-gelisay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.
Si kastaba Doorashooyinkan dadweyne ayaa ka qabsoomay illaa 30 degmo, waxaana haatan guddiga doorashada uu shaaciyay natiijada hordhaca ah ee doorashadaas.
Associated