Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa gacanta ku dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed Taakeeye oo ku eedaysan Faafinta Afkaarta Argagixisada AS.
Sufyaan Sheekh Axmed ayaa bathroom haystaa in uu waayihii danbe faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo dowladnimada Soomaaliya, islamarkaana taageerayay Argagixisada sida laga soo xigtay Hay’adda NISA.
Sufyaan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayay hay’adda NISA ka soo dejisay magaalada Muqdisho waxaana lagu bilaabay baaritaan sida ay tebisay wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA.
“Sufyaan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayay hay’adda NISA kasoo dejisay magaalada Muqdisho waxa ayna ku bilawday baaritaanno iyo wareysiyo la xiriira cilaaqaadka kala dhaxeeya argagixisada” ayay xustay Warbixinta SONNA.
PUNTLAND POST