• Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions
Thursday, May 8, 2025
Mnhornnews
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
Mnhornnews
No Result
View All Result
Home Latest News

Sida Puntland iyo SSC-Khaatumo Uga Qeybqaadan Karaan Geeddiga Dowlad Dhisidda Soomaaliya – Puntland Submit

admin by admin
October 5, 2024
in Latest News
0
Sida Puntland iyo SSC-Khaatumo Uga Qeybqaadan Karaan Geeddiga Dowlad Dhisidda Soomaaliya – Puntland Submit
585
SHARES
3.2k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter


Madaxweyne Deni marna kama caban karo metelaadda federaal maamulka Somaliland ku leeyahay Muqdisho marna kuma doodi karo in “Somaliland la fogeeyay”.

Garoowe (Faallo) —Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Hoggaamiyaha maamulka ku meelgaarka ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Aw Cali (Firdhiye) waa labo hoggaamiye oo bannaanka ka taagan Golaha Wadatashiga Qaranka oo hadda ku shirsan Muqdisho. Deni isagu xaq ka qeybgal shir ayuu leeyahay hase ahaatee wuu diiday inuu shirkaas ka qeybgalo. Sanadkii hore (2023) ayuu maamulka Deni xiriirka u jaray dowladda federaalka Soomaaliya. Sababaha uu cuskaday waxaa ka mid ahaa in maamulka Somaliland uu metelaad ku dhex leeyahay hay’adaha federaalka inkastoo uusan aqoonsanayn dowladda federaalka, sheeganayana inuu yahay dal ka go’ay Soomaaliya. Dhowr toddobaad ka hor Deni wuxuu ku dooday in maamulka Somaliland la fogeeyay. Goormuu saxan yahay Deni?

Deni wuxuu u doodayay maamul duqeyn, dil iyo burburin ka geystay Laascaanood xilli xitaa dowladda federaalka Soomaaliya ay diiddayd inay beeniso doodaha beenta ahaa oo uu maamulka Somaliland u cuskaday duqeynta Laascaanood oo kala ah in “maamulka Somaliland dal gaar ah yahay iyo inuu Laascaanood kula dagaallamayo Al-shabaab”.

Deni iyo Firdhiye waxay dhaxleen xaalad siyaasadeed oo Puntland ka dhigtay maamul leh itaal siyaasadeed oo yar tanaasulaadkii maamulladii hore ee Puntland sameeyeen markii laga baxayay ku meelgaarka awgood 2012kii iyo sanadkii 2013kii marka shirkii New Deal uu ka qabsaoomayay Beljimka. Shirkaas Puntland waxay oggolaatay in maamulka Somaliland habka Particular Association wax lagu siiyo iyo in Puntland wax la qeybsato maamullada kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Hadda dhulka juqaarfi ahaan Puntland ah kuna salaysan cahdigii 1998 waa dhul go’doonsan siyaasad ahaan, xiriir aan la lahayn beesha caalamka. Dadka dhulkaasi ku nool approach ka qatan yihiin deeqaha horumarineed sida deeqda ay hay’adda USAID bixisay toddobaadkan oo ka badan 60 milyan oo doollar.

Puntland lix gobol ayay ka kooban tahay (oo labo gobol — Nugaal iyo Bari— ay buuxiyaan shuruudda samaynta maamulka federaal), hase ahaatee Puntland waxay la awood tahay dhanka siyaasadda iyo wax qaybsiga maamul federaaleedyada kale sida Galmudug oo hal gobol iyo bar ka kooban. Puntland saameyn weyn ayay ku lahayd qoristii dastuurka ku meelgaarka lagaga baxayay iyo dejinta shuruudaha maamul federaal ku samaysmo. Ma jirin maamul federaal la heer ah Puntland dhanka baaxadda dhulka iyo taariikhda maamul oo lahaa saameyn markii ku meelgaarka laga baxayay.

Hoggaamiye Firdhiye waa inuu fekero siyaasado yarayn kara in ismaandhaafka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya uu hor istaago xuquuqda helista deeqda horumarineed ee dadka SSCK.

Maamulka SSC-Khaatumo wuu taageersan yahay siyaasadda dowladda federaalka dhanka metelaadda iyo arrimmaha dibedda, halka Puntland ay ku maandhaafsan tahay dowladda federaalka labadaas siyaasadood. Waxaa xusid mudan in ilaa hadda maamulka Puntland uusan u hoggaansamin soo jeedinta Guddiga Maamulka Maaliyadda (Monetary Governance Committee) inay soo sheegto dakhliga ka soo gala canshuuraha iyo shatiyada kalluumaysiga. Dhowaan Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga ee Puntland Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa wuxuu sheegay in dad maamulka Puntland uusan ka warhaynin ay keenaan shirkadda kalluumaysi oo xaalufin ka wada badda. Hadalka Wasiirku wuxuu muujinayaa in maamulka kheyraadka badda uu yahay wax ka baxsan awoodda dowladda Puntland oo dhowr jeer isku dayday inay wax ka qabato shatiyada kalluumeysi oo si sharcidarro ah magaca Puntland loogu bixiyay.

Maamulka SSC-Khaatumo ma laha aqoonsi maamul federaal mana jiraan siyaasado yarayn kara saameynta ismaandhaafka dowladda federaalka iyo Puntland uu ku yeelan karo xuquuqda dadka maamulka SSC-Khtaamo uu metelo. Dhowaan Firdhiye wuxuu sheegay in xildhibaannada SSC-Khaatumo lagu soo xuli doono dhulka SSC-Khaatumo. Haddii doorasho sidii tii 2022 lagu heshiiyo oo sababtay inuu Deni soo xusho xildhibaanno u gaar ah, approach adag tahay sida Firdhiye sheegay xildhibaanno lavatory soo xulo. Ma cadda in Deni mar kale isku dayi doono inuu u tartamo noqoshada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu u tartamay 2017 iyo 2022.

Waa in Deni iyo Firdhiye gartaan inay dhaxleen xaalad siyaasadeed oo hoggaamiyayaashii hore ee Puntland unkeen iyaga oo aan ka fekerin saameynta go’aammadoodu ku yeelan doonaan awood qeybsiga iyo kheyraad qeybsiga. Maamullada samaysmay ama la ballaariyay kaddib 2013 ayaa ka faa’iiday dowlad dhisidii ay Puntland horseedka ka ahayd markii ay 1998 soo jeedisay in habka federaalku ka ilaalin karo Soomaaliya awood meel dhexe ku urursan oo aan lala xisaabtami karin. Puntland tusaale uma noqonin awood-daadejin (decentralisation). Soomaaliya waxaa ilaa xad ka hirgalay dowlad dhisiddii ay Puntland soo jeedisay makii ay ahayd maamulka keliya oo ay beesha caalamku talooyinkiisa qaadanaysay. Punland sooyaal maamul dhisid oo lagu qaddariyo ayay lahayd.

Sanadkii 2023kii wuxuu ahaa sanad Puntland ay la kulantay xujooyin waaweyn sida dagaal socday toddoba bilood, qabashada doorashooyinka golaha deegaanka iyo colaad ka dhalan gaartay isku raacsanaan la’aantii sida doorashadii 2024 uga qabsoomaysay Puntland ka hor inta aysan odayaasha SSC-Khaatumo xal dhexe oo habka 66 ku salaysan keenin. Deni iyo Firdhiye waa inay xusuustaan macnaha maahmaahda raqba waa ku raggeed. Isbeddello waaweyn ayaa Soomaaliya ka dhacaya oo siyaasiyiinta meel xun ka istaaga sababi kari doonaan in gobolladoodu go’doon siyaasadeed galaan xilli beesha caalamku maalgelin badan u hurayso dib u dhiska hay’adaha siyaasadda ee Soomaaliya heer dowlad federaal iyo heer xubin dowlad federaal.

© Puntland Submit, 2024





Source_link

You might also like

Mareykanka oo ku bixinaya $10 milyan xog lagu soo qaban karo hogaamiye Al-Shabaab

Somalia’s ex-president accuses incumbent of dismantling political council for private acquire

Puntland oo maalgelinaysa hal-abuurka ganacsi ee Haweenka iyo dhalinyarada – Puntland Put up

Tags: DhisiddadowladGeeddigaiyoKaraanPostPuntlandQeybqaadanSidaSoomaaliyaSSCKhaatumouga
Previous Post

Türkiye’s Oruc Reis analysis ship set to sail for Somalia on Saturday – Somali Nationwide Information Company

Next Post

Somalia’s NCC Assembly Nears Conclusion, Goals for Key Resolutions

admin

admin

Related Posts

Mareykanka oo ku bixinaya $10 milyan xog lagu soo qaban karo hogaamiye Al-Shabaab
Latest News

Mareykanka oo ku bixinaya $10 milyan xog lagu soo qaban karo hogaamiye Al-Shabaab

by admin
May 8, 2025
Somalia’s ex-president accuses incumbent of dismantling political council for private acquire
Latest News

Somalia’s ex-president accuses incumbent of dismantling political council for private acquire

by admin
May 8, 2025
Puntland oo maalgelinaysa hal-abuurka ganacsi ee Haweenka iyo dhalinyarada – Puntland Put up
Latest News

Puntland oo maalgelinaysa hal-abuurka ganacsi ee Haweenka iyo dhalinyarada – Puntland Put up

by admin
May 8, 2025
Nationwide Consultative Council Endorses Authorized Assessment of Jubaland and Formal Recognition of SSC-Khaatumo – Somali Nationwide Information Company
Latest News

Nationwide Consultative Council Endorses Authorized Assessment of Jubaland and Formal Recognition of SSC-Khaatumo – Somali Nationwide Information Company

by admin
May 8, 2025
Gudoomiyaha SoDMA oo daah-furay Mashruuc ku kacaya $40 million oo greenback
Latest News

Gudoomiyaha SoDMA oo daah-furay Mashruuc ku kacaya $40 million oo greenback

by admin
May 7, 2025
Next Post
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay magaalada Muqdisho + Sawirro

Somalia’s NCC Assembly Nears Conclusion, Goals for Key Resolutions

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Recommended

Federal Authorities of Somalia’s Weekly Briefing – Somali Nationwide Information Company

Federal Authorities of Somalia’s Weekly Briefing – Somali Nationwide Information Company

February 29, 2024
IGAD Requires Safety of Civilians and Diplomatic Missions within the Republic of Sudan – Somali Nationwide Information Company

IGAD Requires Safety of Civilians and Diplomatic Missions within the Republic of Sudan – Somali Nationwide Information Company

October 3, 2024

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

About Us

Welcome to Mnhornnews The goal of Mnhornnews is to give you the absolute best news sources for any topic! Our topics are carefully curated and constantly updated as we know the web moves fast so we try to as well.

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

Recent Post

  • Mareykanka oo ku bixinaya $10 milyan xog lagu soo qaban karo hogaamiye Al-Shabaab
  • Somalia’s ex-president accuses incumbent of dismantling political council for private acquire
  • Puntland oo maalgelinaysa hal-abuurka ganacsi ee Haweenka iyo dhalinyarada – Puntland Put up

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.