MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Guddiga Dib u Eegsita Iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal iyo Guddiga Madaxa-banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.
Xubnaha labada guddi ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin ka siiyay arrimaha dib u eegista Dastuurka gaar ahaan cutubta 5-aad ilaa cutubta 9-aad oo uu guddiga gacanta ku haayo iyo sida lavatory wajahayo marka uu furmo kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka iyo sidoo kale guud ahaan hanaanka dib u eegista dastuurka iyo qodobada ka harsan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa labada guddi uga mahadceliyay shaqada wanaagsan ee ay ka qabteen dib u eegista dastuurka isaga oo ku bogaadiyay habka ay u wadaan ka shaqeynta cutubyada harsan.