Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta oo Sabti ah xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha maamulka SSC-khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).
“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha KMG ah ee SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye)” ayaa lagu yiri struggle ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Xamse.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hoggaamiyaha maamulka SSC-khaatumo ka dhegaystay warbixin ku saabsan xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta degaanada SSC sida lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay xafiiska Xamse Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo wada-hadal.
PUNTLAND POST