MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo dalka soo gaaray maanta.
Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey dowladaha Bariga Afrika ee ku midaysan ururkan doorkii ay ka qaateen ansixinta xubinnimada Soomaaliya, ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in degdeg bathroom dhammaystiro arrimaha farsamo ee xaqiijiniya la falgalka Soomaaliya ee Suuqa Bariga Afrika .
“Waxaan ku boorrinayaa xubnaha Urur Goboleedka EAC in ay sii wadaan taageerada dadaallada la isku waafajinayo siyaasadaha iyo xeerarka, si bathroom abuuro jawi ganacsi oo ku habboon maalgashadeyaasha iyo ganacsatada. Waa in ay sii wadaan xoojinta iskaashiga ku aaddan amniga gobolka iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida”.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa soo bandhigay waxtarka Soomaaliya ay u leedahay ka mid noqoshada Urur Goboleedka Bariga Afrika iyo fursadaha dalalka ku mideysan suuqan ay ka dhaxlayaan xubinnimada Soomaaliya, maadaama aan nahay waddan hodon ah oo ay ceegaagaan khayraad dabiici ah, dadkiisuna ay ku tilmaaman yihiin firfircooni iyo hal-abuur.
—-DHAMMAAD—-