• Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions
Thursday, May 22, 2025
Mnhornnews
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
Mnhornnews
No Result
View All Result
Home Latest News

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kasoo horjeestay barakicinta shacabka reer Falastiin ee ku nool Gaza

admin by admin
March 6, 2025
in Latest News
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kasoo horjeestay barakicinta shacabka reer Falastiin ee ku nool Gaza
585
SHARES
3.2k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter


MUQDISHO [SMN] – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa si xooggan uga hadlay arrimaha barakicinta shacabka reer Falastiin ee ka dhanka ah Israaiil, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay si buuxda uga soo horjeedo hadalladii iyo falalka ka soo baxay Israaiil ee xad-gudubka ku ah xuquuqda aadanaha iyo heshiisyada caalamiga ah.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in falalkaas ay yihiin kuwo ka hor imaanaya qawaaniinta caalamiga ah, isla markaana ay yihiin xad-gudub cad oo ka dhan ah xuquuqda dadka reer Falastiin. Waxa uu intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u taageereyso shacabka reer Falastiin iyo xaqooda ay u leeyihiin dhismaha dowlad madax bannaan oo iyaga u gaar ah.

“Shacabka reer Falastiin waxay ku jiraan dagaal adag, waxaanan u muuqan doonin inay guuldareystaan. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed waxaanu si xooggan u taageereynaa xaqooda ay u leeyihiin dhismaha dowlad madax bannaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre ayaa khudbaddiisa ku taabtay xaaladaha ka jira dalalka Suudaan iyo Suuriya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u taageereyso xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee dalalkaas Carbeed, ayna tahay in arrimahooda gudaha aan la soo faragelin.

“Dalalka Suudaan iyo Suuriya waa muhimad weyn u leh xasilloonida gobolka, waxaana Soomaaliya ay taageereysaa midnimadooda dhuleed iyo xasilloonidooda. Waxaanu ku baaqeynaa in lavatory oggolaado inay go’aanadooda iyo arrimahooda gudaha si xor ah u maareeyaan,” ayuu yiri Xamse.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay dalalka Carbeed ee walaalaha ah taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo bini’aadantinimada. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dalalkaasi inay ka qeyb qaataan maalgelinta horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan beeraha, xoolaha, iyo tamarta, si lavatory xoojiyo horumarka waara ee dalka loona abuuro fursado shaqo.

“Dalalka Carbeed waxay si weyn u taageereen Soomaaliya dhinacyada amniga iyo bini’aadantinimada, waxaanu ugu mahadcelineynaa sida ay naftooda ugu hurayaan, waxaana ugu baaqeynaa inay maalgelin muhiim ah ku sameeyaan dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan beeraha, xoolaha, iyo tamarta. Tani waxay ka caawin doontaa Soomaaliya inay gaarto horumar waara,” ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaaraha.

Soomaaliya ayaa si xooggan u xoojinaysa xiriirka la leh dalalka Carbeed, iyadoo rajeyneysa in taageerada ay helayso ay gacan ka geysan doonto horumarinta dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha iyo amniga dalka.



Source_link

You might also like

Gaalkacyo waxaa qasaya Rag weligood soo raaci jiray Cadowga Puntland – Puntland Put up

Somali FM Discusses Enhanced Bilateral Cooperation with Swedish Ambassador – Somali Nationwide Information Company

Jubaland Urges Somalia’s Federal Authorities To not Politicise Humanitarian Assist

Tags: barakicintaFalastiinGazahorjeestaykasoonoolRaiisulreerShacabkawasaareXamsa
Previous Post

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo soo saaray go’aanno culus oo ku saabsan Sugidda Amniga – Puntland Submit

Next Post

Heavy Airstrikes Cripple Al-Shabaab in Center Shabelle as Somali Forces Intensify Counter-Offensive – Somali Nationwide Information Company

admin

admin

Related Posts

Gaalkacyo waxaa qasaya Rag weligood soo raaci jiray Cadowga Puntland – Puntland Put up
Latest News

Gaalkacyo waxaa qasaya Rag weligood soo raaci jiray Cadowga Puntland – Puntland Put up

by admin
May 21, 2025
Somali FM Discusses Enhanced Bilateral Cooperation with Swedish Ambassador – Somali Nationwide Information Company
Latest News

Somali FM Discusses Enhanced Bilateral Cooperation with Swedish Ambassador – Somali Nationwide Information Company

by admin
May 21, 2025
Jubaland Urges Somalia’s Federal Authorities To not Politicise Humanitarian Assist
Latest News

Jubaland Urges Somalia’s Federal Authorities To not Politicise Humanitarian Assist

by admin
May 21, 2025
Somalia’s Puntland, Jubaland leaders to satisfy in Nairobi for alliance talks amid tensions with Mogadishu 
Latest News

Somalia’s Puntland, Jubaland leaders to satisfy in Nairobi for alliance talks amid tensions with Mogadishu 

by admin
May 21, 2025
Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo Shir deg deg ah ku yeelanaya magaalada Nairobi – Puntland Put up
Latest News

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo Shir deg deg ah ku yeelanaya magaalada Nairobi – Puntland Put up

by admin
May 20, 2025
Next Post
Heavy Airstrikes Cripple Al-Shabaab in Center Shabelle as Somali Forces Intensify Counter-Offensive – Somali Nationwide Information Company

Heavy Airstrikes Cripple Al-Shabaab in Center Shabelle as Somali Forces Intensify Counter-Offensive – Somali Nationwide Information Company

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Recommended

Second Deputy PM chairs Social Improvement Pillar assembly – Somali Nationwide Information Company

Second Deputy PM chairs Social Improvement Pillar assembly – Somali Nationwide Information Company

January 26, 2025
AU crew in Somalia over drawdown plans, posting ATMIS technique

AU crew in Somalia over drawdown plans, posting ATMIS technique

January 30, 2024

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

About Us

Welcome to Mnhornnews The goal of Mnhornnews is to give you the absolute best news sources for any topic! Our topics are carefully curated and constantly updated as we know the web moves fast so we try to as well.

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

Recent Post

  • Gaalkacyo waxaa qasaya Rag weligood soo raaci jiray Cadowga Puntland – Puntland Put up
  • Somali FM Discusses Enhanced Bilateral Cooperation with Swedish Ambassador – Somali Nationwide Information Company
  • Jubaland Urges Somalia’s Federal Authorities To not Politicise Humanitarian Assist

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.