Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo bayaan soo saaray ayaa ka horyimid Heshiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee ku saabsan in Itoobiya marin badeed ka hesho badda Soomaaliya, kaasi oo ay u isticmaali doonto deked ay adeegsato.
“Itoobiya waxa ay duullaan qaawan ku soo qaadday dalkeenna, ka dib markii ay heshiis is afgarad ah oo sharcidarro ah la saxiixatay Madaxweynihii hore ee Somaliland. Umadda Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba waxa ay ka gilgisheen duullaankaas, waxa ayna madaxda Dowladda Federaalku ballanqaadeen in aaney wadahadal la geli doonin Itoobiya iyadoo aan si rasmi ah uga laaban heshiiskaas xadgudubka ku ah qarannimada Soomaaliyeed “
“Waxaa ayaandarro ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu gorgortan la galo Itoobiya oo weli ku adkeysanaysa is afgaradkii halista ku ahaa midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. In Madaxweyne Xasan Sheekh uu wadahadal la galo Itoobiya iyadoo aan la laalin is afgaradkii sharcidarrada ahaa, Itoobiyana u ogolaado baddeenna, waa xadgudub hor leh oo lagula kacay qarannimada Soomaaliya oo Madaxweynaha dalku garwadeen ka yahay” ayuu yiri Xasan Khayre.
“Heshiiskii is afgaradka ahaa ee 1dii Jannaayo 2024 waa folkaano u aasan dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo qarxi karta xilli waliba. Si khatartaas looga gaashaanto waa in wadahadal kasta oo Itoobiya lala gelayo ay shardi u ahaataa in ay heshiiskaas si rasmi uga laabato. Waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in aanu halistaas u hoosaasin dadka iyo dalka, gorgortan siyaasadeedna ku gelin qarannimada Soomaaliyeed, mudnaanta koowaadna siiyo daminta colaadaha iyo xiisadda siyaasadeed ee ka aloolsan gudaha dalka iyo adkeynta midnimada iyo wadajirka umadda oo maanta kala dhantaalan” ayuu sii raaciyay Khayre.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Federaalka in ay ka feejignaato halista ku geedaamaan heshiiskaas oo uu ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo aan laga baaraandegin islamarkaanacdhaawac ku noqon doona madaxbannaanida, midnimada, iyo mustaqbalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST