Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maalinta berri ah booqasho rasmi ah ku imaanaya magaalada Muqdisho, taasi oo jawaab u ah safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh uu horraantii sannadkan 2025 ku tegaley Addis Ababa, kaddib Baaqii Ankara oo dowladda Turkiga garwadeenka aheyd, laguna xaliyay khilaafkii diblomaasiyadeed ee labada dal.
Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa berri ka soo dagaya garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana si weyn lavatory adkeeyay Ammaanka Muqdisho, qeybo ka mid ah duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibadda la hakiyay, inta aan ka aheyn duulimaadyada Turkish Airways iyo Ethiopian Airways.
Sawirada Abiy Ahmed ayaa lagu dhejiyay wadada dheer ee garoonka Diyaaradaha illaa Madaxtooyada, waa booqashadii labaad rasmi ah oo Ra’iisul Wasaare Abiy ku imaan doono Muqdisho, kaddib safarkiisii u horreeyay sanadkii 2019.
Kaddib safarka Abiy ayaa la filayaa inuu todobaadyo kaddib uu Soomaaliya iyo Ethiopia booqasho Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo isku mari doona Muqdisho iyo Addis Ababa.
PUNTLAND POST