MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa soo buuxiyay boosaskii Wasiiru Dowlihii Qorsheynta iyo midka Wasiir Ku xigeenkii waxbarashada ee ay shalay iska casileen Cabdirashiid Jire iyo Axmed Cismaan Daqare oo labaduba deegaan ahaan kasoo jeedo Jubbaland.
Xildhibaan Axmednuur Sheekh Maxamed Laxos ayaa bathroom magacaabay xilka Wasiiru Dowlaha Qorsheynta, halka Cabdirashiid Maxamed Ducaale isna bathroom magacaabay Wasiir Kuxigeenka Waxbarashada.
Arrintan ayaa saka ku hayso khilaafka siyaasadeed ee haatan u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Jubbaland oo dhawaan ku lala tegay shirkii golaha wadatashiga qaranka ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.
Axmed Madoobe ayaa si weyn uga biyo diiday qorshaha madaxtooyada Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna haatan shir wadatashi ah isugu yeeray xildhibaanada labada gole ee laga soo doortay deegaanada maamulka Jubbaland.