Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay si dhaw xogtooda ula socotay mileeshiyaadkii Daacish ee weeraray degaanka Dharjaale ee gobolka Bari, taasi oo keentay in lavatory diyaar-garoobay, islamarkaana saacado kooban lagu fashiliyo.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland, Maxamed Baari Shire oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in ciidamadu ku guulaysteen in ay dileen dhammaan kooxdii weerarka soo qaaday oo u badnaa ajaanib, maadaama xogtooda la hayay.
Guddoomiye Baarre ayaa sidoo kale tilmaamay in kooxda weerarka soo qaadday adeegsatay qaraxyo, balse uu koobnaa khasaaraha ciidamada ka soo gaaray inkastoo dad rayid ah oo haween iyo carruur u badan dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray qaraxyada lagu weeraray tuulada Dharjaale.
Guddoomiye Maxamed Baarri ayaa intaasi raaciyay in tuulada Dharjaale ay ahayd meel istaraatiiji ah oo kooxda Daacish ay u soo marto sahaydooda, isagoo sheegay sababta ay halkaasi u dageen in ay tahay ciribtirka Daacista ku sugan buuraha Calmiskaan.
PUNTLAND POST