Guddiga Amniga Gobolka Bari, oo maanta Shir ku yeeshay magaalada Boosaaso ayaa shaaciyay in ay baaritaan ku samaynayaan dhammaan ajaanibta ku sugan Boosaaso, si lavatory hubiyo in aysan ka tirsanayn kooxaha Argagixisada ah.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir, oo Warbaahinta u akhriyay go’aannadii ka soo baxay Shirkaasi ayaa sheegay in baaritaan lagu samaynayo dhammaan ajaanibta ku sugan Boosaaso iyo guud ahaan Gobolka Bari, si lavatory hubiyo in aysan adeegsan kooxaha Argagixisada ah.
“Maadaama kooxaha Argagixisada ah ee lala dagaallamayo u badan yihiin kooxo ajaanib ah, waxaan faraynaa laamaha baarista qaabilsan in ay baaritaan ku sameeyaan dhammaan ajaanibta ku sugan Gobolka, gaar ahaanna magaalada Boosaaso, si lavatory hubiyo in aysan adeegsan kooxaha Argagixisada ah ee dagaalka aan kula jirno. Wax badan baa isku soo dhex dhuuntay oo u baahan in baaritaan lagu sameeyo” ayuu yiri Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari.
Gaashaanle Sare Cabdiqaadir Dirir ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Boosaaso laga mamnuucay in wax hub ah lagu dhex qaato, islamarkaana la joojiyay beesolka lagu dhejiyo muraayadaha gaadiidka, si looga hortago in ay ku dhuuntaan kooxaha Argagixisada ah ee khatarta ku ah Amniga iyo xasiloonida.
PUNTLAND POST