Laascaanood (Faallo) — Soomaaliya waxaa ka soo socda isbeddelo siyaasadeed oo colaad xambaarsan. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo halis gelisay qarannimada Soomaaliya kaddib amrkii ay heshiis difaac la saxiixatay Itoobiya, waxay hadda abuurtay qalalaase siyaasadeed oo keeni kara inay burburto dowladnimada Soomaaliya.
Qodobbada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u cuskatay soo qabashada Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Jubaland waxaa ka mid ah inuu ka qeybgalay shirarkii Golaha Wadatashiga Qaranka, oo uu ka baxay baaqaq uu saxiixay. Sidee baaq wadareed uu siyaasi saxiixay u noqday heshiis guntami oo xoojintiisu ay Maxkamadda Gobolka Banaadir fulin karto? Waa habow siyaasadeed oo muujinaya in Soomaaliya u nugushahay in talada siyaasaddu gacanta u gashay koox aan lala xisaabtami karin oo ujeeddadoodu tahay ku xadgudubka dastuurka ku meelgaarka ah iyo ku adeegashada labada aqal (Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare).
Xaaladdan waa mid aysan Puntland iyo maamulka ku meelgaarka ah ee Sool, Sanaag iyo Cayn ee Khaatumo (SSCK) isku aragti yihiin laakiin bathroom baahan yahay in si wadajir ah baaq uga soo wada saaraan. Waxaa meesha ka baxay mowqifkii maamulka SSCK uu dhowaan sheegay Cabdiraxmaan Aw Cali (Firdhiye), hoggaamiyaha SSCK. Firdhiye wuxuu sheegay in xildhibaannada iyo senetarrada heer federaal ee SSCK lagu soo xuli doono dhulka SSCK ay maamusho. Mowqifka Puntland waa inaysan taageeri doonin hab lagu soo xulayo xildhibaanno iyo senetarro iyada oo Somaliland ay leedahay metelaad federaal ka sokow in maamulka Hargeysa xaruntiisu yahay diiddan yahay qarannimada Soomaaliya.
Waxaa kale oo jirta in maamulkii Puntland ee sanadkii 2013kii uu ka fiirsan waayay sida maamul federaaleedyada bathroom samaynayo. Puntland waxay ka kooban tahay lix gobol: 2 gobol oo buuxa (Nugaal iyo Bari), 1 gobol oo 50% ah ( Mudug), hal gobol oo 80% ah (Sool), hal gobol oo 50% ah ( Sanaag) iyo hal gobol oo 20% ah (Togdheer, gaar ahaan degmada Buuhoodle). Hadda Puntland waxay la awood tahay Galmudug oo ka koban hal gobol iyo bar (Mudug oo 50% ah iyo Galguduud oo gobol buuxa ah). Intaas waxaa dheer in maamulkii Puntland ee 2013kii uu shirkii New Deal ka dhacay Beljimka dhammaysan kari waayay hab la mid ah habka maamulka Somaliland si gaar ah wax loogu siiyo (Particular Association).
Markii shirkaaasi socday waxaa jiray Khaatumo oo ahayd maamul aan la aqoonsanayn laakiin metelaad federaal lahayd kaddib markii uu Madaxweynihii Puntland Cabdiraxmaan Faroole oggolaaday 2012 in siddeedda xildhibaan ee SSC bathroom qeybsado 5 ay Khaatumo qaadatay iyo 3 ay Puntland qaadatay. Marxuumad Saado Cali Warsame waxay ka mid ahayd seddexdii xildhibaan magaca Puntland kaga tirsanaa barlaamanka federaalka.
In dib looga wada hadalo sida maamul federaal bathroom samaynayo, gaar ahaan in Puntland ay ka soo dhex bixi karaan ugu yaraan labo maamul federaal (two federal member states) ayaa jirta. Sidoo kale waxaa waajib ah in Dowladda Federaalka Soomaaliya ka noqoto wax ka beddelka aan sharciga ahayn ee dastuurka federaalka.
Baarlamaanka SSCK wuxuu ku ammaanan yahay sida uu uga hor yimid qorshihii Firdhiye oo ku salaysanaa in doorasho la isku raacsan yahay dhici doonto heer federaal sanadka 2026ka iyadoo aysan maamullo federaal cusub samaysmin! Booqashadii guddiga wax ka beddelka dastuurka oo booqday Laascaanood dhowaan waxay rajogelisay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo u sheegtay deeqbixiyayaasha in doorasho qof iyo cod ka dhixi doonto dhulka SSCK.
Waa in Puntland iyo SSCK ay isku raacaan siyaasad cusub ay kaga qeybgalayaan ka wada xaajoodka soo socda ee dowlad dhisidda Soomaaliya. Puntland iyo SSCK waxba kama dheefiniin tanaasulaadkii siyaasadeed ay hore u sameeyeen sida in Somaliland metelaad federaal la heer ah tan Puntland ku yeelato Muqdisho. Dowladda Federaalka Soomaaliya approach ka faa’iidaysatay tanaasulaadka ay beelihii 1998 wada samaystay Puntland u sameeyeen dib u dhiska Soomaaliya. Maanta Soomaaliya kheyraadkeeda iyo siyaasadda amnigeedu waxay halis ugu jiraan qowlaysatada Damuljadiid uu Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyo oo danaha qaranka Soomaaliya hoos-geeyey Turkiga iyo Masar. Halis baa jirta in Soomaaliya dib ugu noqon karto ku meelgaarkii oo ay waayi karto wax badan oo ay gaartay sida ka qaadista cunnaqabataynta hubka iyo saameynta deyn cafintu u yeelan lahayn dib u dhiska Soomaaliya.
Puntland iyo SSCK waa inay la yimaadaan siyaasad lagu turxaanbixinayo habka federaalka oo ah mid sababtay in Madaxtooyada Soomaaliya ay gacanta ku dhigto Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose. Sida uu sheegay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole toddobaadkii hore mar uu baaq soo saaray: “Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ciidanka Xoogga Dalka u diray Jubaland si uu awoodda maamulkaas u qabsado.” Halis weyn baa jirta in hubka la siiyay ciidammada Soomaaliya ay ku dambayn doonaan gacmaha miliishiyo beeleedka sida Macawisley. Puntland iyo SSCK waa inay meel uga soo wada jeestaan ka hortagga kelitalisnimo mar kale Soomaaliya u keeni kara burbur baahsan.
W.Q. Siciid M. Sheekh Cali