Qaar kamid ah isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa magaalada Garoowe ka bilaabay xal u raadinta xiisadda ka taagan arrimaha doorashada 2024.
Isimada SSC oo maanta soo gaaray caasimadda Garoowe ayaa kulamo kala duwan la yeeshay dhinacyada dowladda iyo siyaasiyiinta Mucaaridka ah oo ku mursan doorashada.
Wararka ayaa xaqiijinaya in labada dhinacba Isimada u sheegeen in aysan dagaal wadin islamarkaana ay diyaar u yihiin wada-hadal si lavatory xalliyo xiisadda ka jirta magaalada.
Ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan siyaasiyiinta Mucaaridka ah ayaa sidoo kale weli ku sugan goobihii hore islamarkaana ma jiraan ciidamo dib looga qaaday halkii ay joogeen.
Xaaladda Garoowe ayaa ilaa iyo maanta degganayd inkastoo shacabka qaarkood weli ka baxayaan xaafadaha maadama ay jirto hubanti la’aan la xiriirta ciidamada dul fadhiya magaalada.
PUNTLAND POST