• Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions
Friday, May 23, 2025
Mnhornnews
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
Mnhornnews
No Result
View All Result
Home Latest News

Muuse Biixi oo digreeto ku soo saaray muddaynta doorashooyinka Somaliland – Puntland Put up

admin by admin
August 7, 2023
in Latest News
0
Muuse Biixi oo digreeto ku soo saaray muddaynta doorashooyinka Somaliland – Puntland Put up
585
SHARES
3.2k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter


Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wareegto uu soo saaray ku go’aamiyay in doorashada xisbiyada qabsoonto 28 December 2023.

Sidoo kale wuxuu go’aamiyay in doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Somaliland qabsoonto taariikhdu markay tahay 13 November 2024.

Lama oga in ay go’aanka Muuse Biixi aqbali doonaan xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo Ucid oo iyagu doonayo in ay soo horreyso doorashada madaxtinimada.

Hoos ka eeg wareegtada Muuse Biixi

Wareegto Madaxweyne-07-08-2023.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo tix-raacaya Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo la xidhiidha Qoraalka Summaddiisu tahay Tix: KDG/XK/Ok-6/56/2023, kuna taariikhaysan 05/08/2023, waxa uu wareegto Madaxweyne ku cayimay Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 22/082023

Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka.

Markaan Arkay; Qodobka 16aad Farqaddiisa 1aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo dhigaya in Komishanka Doorashooyinku awood u leeyahay inuu cayimo wakhtiga doorashooyinka la qabanayo, iyagoo Madaxweynaha u gudbinaya si uu Degreeto ugu soo saaro;.

Markaan Arkay; Qodobka 6aad Farqaddiisa 1aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo dhigaya in Komishanku uu cayimayo taariikhaha la qabanayo Doorashooyinka si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerka, iyaga oo ku salaynaya bil ka hor muddo-xileedka Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha Wakiillada, waxaana si rasmi ah loogu cayimayaa Degreeto Madaxweyne;.

Markaan Helay; Qoraalka Summaddiisu tahay Tix: KDG/XK/Ok-6/56/2023, kuna taariikhaysan 05/08/2023, qoraalkaasi oo uu komishanku ku soo gudbiyay Go’aanka Sumaddiisu tahay Tix; KDG/XK/Ok-6/54/2023, kuna taariikhaysan 17/07/2023, kaasi oo Komishanku ku Go’aamiyay Qodobbadan;

1. In doorashada Xisbiyada Qaranka la qaban doono taariikhdu markay tahay 28 December 2023, si bathroom helo Saddex Xisbi Qaran oo ansaxsan, lana siiyo Shahaadada Xisbinimo ee tobanka (10) sanno ah, si waafaqsan Qodobka 5aad Farqaddiisa 3aad xarafka (j) ee Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011;.

2. In doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxawynaha la qaban doono bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, sida ku xusan Qodobka 83aad Farqaddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna beegan 13 November 2024, iyada oo la raacayo go’aanka muddo kordhinta Golaha Guurtida ee tix-raaciisu yahay GG/JSL/G-03/10/2022, kuna taariikhaysan 01/10/2022;

Waxan Go’aamiyey

1. In Doorashada Xisbiyada Qaranku ka qabsoonto dalka Jamhuuriyadda Somaliland taariikhdu markay tahay 28 December 2023.

2. In Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoonto taariikhdu markay tahay 13 November 2024.


PUNTLAND POST





Source_link

You might also like

Advisor warns Somalia’s president Hassan Sheikh Mohamud is driving nation Into political spoil 

Somaliland Administration Mends Ties with Djibouti in Coverage Reversal – Puntland Put up

President Hassan Sheikh Mohamud Conducts Inspection of Ministry of Protection Headquarters – Somali Nationwide Information Company

Tags: BiixidigreetodoorashooyinkamuddayntaMuusePostPuntlandsaaraySomalilandsoo
Previous Post

China Donates $150,000 to SoDMA to Assist Just lately Liberated Areas and Drought-Affected Somalis – Somali Nationwide Information Company

Next Post

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo

admin

admin

Related Posts

Advisor warns Somalia’s president Hassan Sheikh Mohamud is driving nation Into political spoil 
Latest News

Advisor warns Somalia’s president Hassan Sheikh Mohamud is driving nation Into political spoil 

by admin
May 23, 2025
Somaliland Administration Mends Ties with Djibouti in Coverage Reversal – Puntland Put up
Latest News

Somaliland Administration Mends Ties with Djibouti in Coverage Reversal – Puntland Put up

by admin
May 23, 2025
President Hassan Sheikh Mohamud Conducts Inspection of Ministry of Protection Headquarters – Somali Nationwide Information Company
Latest News

President Hassan Sheikh Mohamud Conducts Inspection of Ministry of Protection Headquarters – Somali Nationwide Information Company

by admin
May 23, 2025
Madaxweynaha Soomaaliya oo looga warbixiyay dagaalka Al-Shabaab
Latest News

Madaxweynaha Soomaaliya oo looga warbixiyay dagaalka Al-Shabaab

by admin
May 23, 2025
Somaliland president Irro makes landmark go to to Djibouti to fix strained ties 
Latest News

Somaliland president Irro makes landmark go to to Djibouti to fix strained ties 

by admin
May 22, 2025
Next Post
Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Recommended

Minister Ahmed Moallim Fiqi Visits Gorgor Commandos in Harardhere, Pledges Authorities Assist in Anti-Terror Efforts – Somali Nationwide Information Company

Minister Ahmed Moallim Fiqi Visits Gorgor Commandos in Harardhere, Pledges Authorities Assist in Anti-Terror Efforts – Somali Nationwide Information Company

September 1, 2023
Somalia’s opposition blasts authorities for corrupt land gross sales to elites 

Somali opposition chief warns Al-Shabaab stronger than ever amid authorities failures 

May 1, 2025

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

About Us

Welcome to Mnhornnews The goal of Mnhornnews is to give you the absolute best news sources for any topic! Our topics are carefully curated and constantly updated as we know the web moves fast so we try to as well.

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

Recent Post

  • Advisor warns Somalia’s president Hassan Sheikh Mohamud is driving nation Into political spoil 
  • Somaliland Administration Mends Ties with Djibouti in Coverage Reversal – Puntland Put up
  • President Hassan Sheikh Mohamud Conducts Inspection of Ministry of Protection Headquarters – Somali Nationwide Information Company

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.