Musharrxiinta Mucaaridka ah ee u taagan xilka Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa mowqif midaysan ku go’aamiyay in doorashada 2024 lagu galo 49 xildhibaan kadib shir gaar ah oo ay ku yeesheen magaalada Garoowe.
Struggle-saxaafadeed ka soo baxay Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Puntland ayay sidoo kale ku sheegeen in ay kalsoonida kala laabteen guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland.
Musharrixiinta Mucaaridka ah ayaa isku raacay in doorashada Madaxtooyada Puntland ku dhacdo wakhtigeeda oo ku beegan 8 Jan 2024 laguna galo 49 xildhibaan maadaama SSC-Khaatumo ka baxda Puntland sida Struggle-saxaafadeedka lagu sheegay.
Golaha Musharrixiinta Mucaaridka ah oo ka kooban 15 xubnood ayaa sidoo kale uga digay Madaxweyne Deni iyo guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Baarlamanka in ay sii wadan Hawsha doorashada oo aan heshiis lagu ahayn.
PUNTLAND POST