Aqalka Wakiillada Maraykanka ayaa maanta u doortay Mike Johnson oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga in uu noqdo Afhayeenka Aqalka, kadib saddex toddobaad oo guddoon la’aan ah.
Johnson ayaa bedelay Kevin McCarthy oo xilka laga qaaday saddexdii bishan, kadib markii kooxda mayalka adag ee xisbiga Jamhuuriga oo ka carooday heshiiskii ay la galeen dimuqraadiyiinta oo baajiyay jooginta howlaha dowladda ay mooshin xil ka qaadi ah ka keeneen.
Johnson ayaa helay 220 cod, halka Jakeem Jeffries oo ah hoggaamiyaha xisbiga Dimuqraadiga ee Aqalka Wakiillada uu helay 209 cod.
Toddobaadyadii lasoo dhaafay, Jamhuuriga oo aqlibiyada yar ku heysta aqalka ayaa diiday saddex musharrax oo suurtagal ahaa kahor inta aysan dooran Johnson oo 51 ah oo laga soo doorto Louisiana.
PUNTLAND POST