• Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions
Sunday, May 25, 2025
Mnhornnews
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
Mnhornnews
No Result
View All Result
Home Latest News

Mareykanka oo ka walaacsan awoodda kordheyso ee Daacishta Soomaaliya

admin by admin
October 1, 2024
in Latest News
0
Mareykanka oo ka walaacsan awoodda kordheyso ee Daacishta Soomaaliya
585
SHARES
3.2k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter


MUQDISHO (SMN) – Taliyaha AFRICOM ayaa sheegay in Daacishta Waqooyiga Soomaaliya ay sii kordhayso awoodeeda, islamarkaana hadda tiro ahaan dagaalyahanadeeda ay ka badan yihiin sanadihii hore, taasoo muujinaysa in Kooxda isku diyaarinayso inay weeraro ka fuliso Soomaaliya iyo dalalka kale ee gobolka Geeska Afrika.

 

“Waxaan ka walaacsanahay qaybta waqooyi ee Soomaaliya oo Daacish kusii xoogeysanaysa,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika Gen. Michael Langley.

Langley ayaa ka gaabsaday in uu bixiyo qiyaasta Maraykanka ee tirada dagaalyahanada Daacish ee Soomaaliya jooga, isagoo wareysi uu siiyay VOA ku sheegay in kooxdu ay ku kortay “laba laab” marka bathroom eego sannadkii la soo dhaafay. Qiyaastii hore ayaa lagu sheegay tirada dagaalyahanada Daacishta Soomaaliya ilaa 200 oo ajaaniib ku jiraan.

Taliyaha AFRICOM ayaa ka digay suurtagalnimada in Daacish ay kordhiso joogitaanka dagaalyahanada shisheeye ee Soomaaliya, iyadoo warbixin dhawaan soo baxday lagu sheegay in hogaamiyaal sare iyo xubno Daacish ah oo Suuriya iyo Iraq ku sugan in ay ka fekerayaan inay usoo wareegaan Soomaaliya.

C/qaadir Muumin, oo garab taabacsan Daacish ku aas-aasay buuraha gobolka Bari sanadkii 2015, ayaa sanadkii hore noqday hogaamiyaha ugu sareeya Ururka kadib markii Mareykanka uu Suuriya ku  dilay 2022 hogaamiyaha 1aad oo lagu magacaabi jiray Abu al-Hussein al-Qurayshi oo mudo kooban xilka hayay.

Cabdi Xasan Xuseen, Taliyihii hore ee Nabadsugidda iyo Booliska Puntland, ayaa horaantii sanadkan VOA u sheegay in tirada dagaalyahannada Ajaanibka ah ee Daacish ee Puntland ku sugan lagu qiyaaso boqollaal dagaalyahan. Tiradan wali ma aysan xaqiijin maamulka Puntland oo dagaal kula jira Kooxda .

Sarkaal Mareykan ah ayaa VOA u sheegay bishii June in Cabdulqaadir Muumin oo ah hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, lagu bartilmaameedsaday duqeyn uu Mareykanku ka geystay bishii Might gobolka Bari. C/qaadir Muumin ayaa u muuqda inuu ka badbaaday duqeynta, sida ay xogaha Sirdoon sheegayaan.

AFRICOM ayaa sheegtay in Kororka dagaalyahanada Daacish ayaa ku soo beegmaya xilli Al-Shabaab ay ka faa’iidaysanayso khilaafka diblamaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiiska Badda Somaliland, iyadoo kooxda fulisay weeraro dhowr ah oo ugu dambeeyay qaraxii dhawaan Muqdisho ka dhacay.

Al-Shabab ayaa haysata inta u dhaxaysa 12,000 ilaa 13,000 oo dagaalyahan, iyadoo Kooxda helayso dhaqaale xoog leh oo ku maalgelinayso weeraradeeda, sida ay saraakiisha sare ee wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka u sheegeen VOA bishii June.

Tan iyo markii xiisadda la xiriirta badda ay billaabatay, waxaa istaagay iska kaashiga  dowlada Soomaaliya iyo Itoobiya ee la dagaalanka Al-Shabaab, sida uu Langley uu VOA u sheegay. Mareykanka ayaa xulufo la ah Itoobiya, wuxuuna sidoo kale Soomaaliya ka taageeraa dagaalka Al-Shabaab, iyadoo dalka ka joogaan boqolaal askari oo fuliyo duqeymaha cirka ee lagu taageero howlgallada Ciidanka xoogga dalka.



Source_link

You might also like

Somalia’s Auditor Normal Participates in twenty first AFROSAI-E Governing Board Assembly in Seychelles – Somali Nationwide Information Company

Somali Defence Minister chairs stabilisation activity power assembly

Somalia’s opposition leaders convene in Mogadishu to problem president Mohamud’s election plan 

Tags: awooddaDaacishtakordheysoMareykankaSoomaaliyawalaacsan
Previous Post

Midowga Yurub oo 9 Milyan oo Yuuro u ballan qaaday Kabka Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya – Puntland Put up

Next Post

Somalia, United States Signal $68.5 Million Growth Help Settlement to Strengthen Lengthy-Time period Partnership – Somali Nationwide Information Company

admin

admin

Related Posts

Somalia’s Auditor Normal Participates in twenty first AFROSAI-E Governing Board Assembly in Seychelles – Somali Nationwide Information Company
Latest News

Somalia’s Auditor Normal Participates in twenty first AFROSAI-E Governing Board Assembly in Seychelles – Somali Nationwide Information Company

by admin
May 24, 2025
Somali Defence Minister chairs stabilisation activity power assembly
Latest News

Somali Defence Minister chairs stabilisation activity power assembly

by admin
May 24, 2025
Somalia’s opposition leaders convene in Mogadishu to problem president Mohamud’s election plan 
Latest News

Somalia’s opposition leaders convene in Mogadishu to problem president Mohamud’s election plan 

by admin
May 24, 2025
Xiisad ku salaysan muran xuduud gobol oo ka dhex aloosantay Puntland iyo SSC-khaatumo – Puntland Publish
Latest News

Xiisad ku salaysan muran xuduud gobol oo ka dhex aloosantay Puntland iyo SSC-khaatumo – Puntland Publish

by admin
May 24, 2025
Somali Delegation Led by Deputy Info Minister Bolsters Media and Diplomatic Ties in Ankara – Somali Nationwide Information Company
Latest News

Somali Delegation Led by Deputy Info Minister Bolsters Media and Diplomatic Ties in Ankara – Somali Nationwide Information Company

by admin
May 24, 2025
Next Post
Somalia, United States Signal $68.5 Million Growth Help Settlement to Strengthen Lengthy-Time period Partnership – Somali Nationwide Information Company

Somalia, United States Signal $68.5 Million Growth Help Settlement to Strengthen Lengthy-Time period Partnership – Somali Nationwide Information Company

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Recommended

Somali embassies in Kenya, Turkey, Germany mismanage monetary revenue – Somali Nationwide Information Company

Somali embassies in Kenya, Turkey, Germany mismanage monetary revenue – Somali Nationwide Information Company

August 8, 2023
Madaxweyne Axmed Madoobe oo isku shaandhayn ku sameeyay golaha wasiirada Jubaland – Puntland Put up

Madaxweyne Axmed Madoobe oo isku shaandhayn ku sameeyay golaha wasiirada Jubaland – Puntland Put up

September 26, 2023

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

About Us

Welcome to Mnhornnews The goal of Mnhornnews is to give you the absolute best news sources for any topic! Our topics are carefully curated and constantly updated as we know the web moves fast so we try to as well.

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

Recent Post

  • Somalia’s Auditor Normal Participates in twenty first AFROSAI-E Governing Board Assembly in Seychelles – Somali Nationwide Information Company
  • Somali Defence Minister chairs stabilisation activity power assembly
  • Somalia’s opposition leaders convene in Mogadishu to problem president Mohamud’s election plan 

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.