Dowladda Mareykanka ayaa codkeeda ku biirisay dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya ee cambaareeyay weerarkii Talaadadii lagu qaadey Kolonyo galbinaysay Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh, kaasoo ay ku dhinteen dhowr qof oo suxufiyiin ay kamid ahaayeen.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka waxay ku tilmaantay weerarka qaraxa bathroom adeegsaday mid argagaxiso oo la isku dayayo in Soomaaliya looga weeciyo wadada dib usoo kabashadda iyo xoreynta deegaanada ku jira gacanta Al-Shabaab.
Dowladda Maraykanka ayaa mar kale caddeysey inay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, iyadoo muujinaysa sii joogtaynta taageerada adag ee ay siinayaan dadaalka lagula dagaallamayo Al-Shabaab.
Midowga Africa, Sacuudiga, Imaaraadka, Ingiriiska iyo dowlado kale ayaa cambaareeyay qaraxii ka dhacay Ceel-Gaabta, oo lala damacsanaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo goobta marayay. Madaxweynaha ayaa kusii jeeday jiidaha hore ee dagaalka xiliga weerarka.