Wefdi sare oo ka socda Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) oo maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Boosaaso ayaa Shir la yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Madaxtooyada Puntland oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in Madaxweyne Deni uu qaabiley Taliyaha Hawlgalada Gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Afrika, Colonel ED Norris iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal ku yimid magaalada Boosaaso.
“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Taliyaha Hawlgalada Gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Afrika, Colonel ED Norris iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid magaaladda Boosaaso.”
“Kulanka ayaa looga hadlay amniga guud, gaar ahaan Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyay Dowladda Maraykanka taageerada xagga cirka ah ee ay siiyeen hawlgalka argagixisada Daacish looga sifeynayo buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Madaxtooyada Puntland.
“Maraykanku wuxuu boggaadiyay hawlgalka Puntland ku ciribtirayso argagixisada iyo guulaha waaweyn ee ay gaareen Ciidamada Dowladda Puntland, waxaana Kulanka looga hadlay sidii bathroom sii xoojinlaha wadashaqeynta labada dhinac” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka.
Halkan ka eeg Sawirada Kulanka
PUNTLAND POST