Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka SSC-khaatumo oo Garoowe ku sugan ayaa xalay kulan la yeeshay madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Isimada SSC ayaa ku hawllan dhex-dhexaadinta xukuumadda Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah ee ku muransan arrimaha doorashada Puntland ee 2024.
Madaxweynaha isimada ayaa sida wararku sheegayaan ka wada-hadlay xal u raadinta khilaafka siyaasadeed ee ka taagan nooca lavatory qabanayo doorashada madaxtinimada Puntland.
Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxweyne Deni uu isimada SSC ka aqbalay dhex-dhexaadinta ay wadaan, islamarkaana u sheegay in uu diyaar u yahay wada-hadal, si lavatory xalliyo xiisadda taagan ee ka dhalatay muranka doorashada.
Dhinaca kale, isimada SSC ayaa maanta lagu wadaa in ay shir la yeeshaan dallada ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta mucaaridka ah, oo ay ka wada-hadlayaan sidii lavatory dhammayn lahaa khilaafka jira.
PUNTLAND POST