Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Taliyaha Ciidanka Danab S/Guuto Jimcaale Jaamac Takar ayaa xalay shir saacado qaatay ku yeeshay guriga Sen. Cabdiraxmaan Faroole ee magaalada Garoowe.
Shirka labada dhinac oo uu goob-joog ka ahaa madaxweynihii hore ee Puntland Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa sida la xaqiijinayo ugu danbayntii lagu xalliyay khilaafkii dowladda iyo ciidanka Danab ee uu hoggaamiyo Jimcaale.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa caddaynaya in heshiis rasmi ah lagu dhameeyay khilaafkii madaxweyne Deni iyo taliye Jimcaal, iyadoo ciidanka Danab lagu soo celinayo xayndaabka dowliga ah loona ogolaaday xuquuqdoodii ciidanimo.
Labada dhinac ayaa ku ballamay in heshiiska la fuliyo Todobaadkan gudihiisa, islamarkaana madaxweyne Deni uu booqdo Taliska Ligle ee Ciidamada Danab, halkaas oo uu khudbad uga jeedin doono.
PUNTLAND POST