Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu laabtay Muqdisho kadib markii uu wada-hadallo Asmara kula yeeshay dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki.
Labada madaxweyne ayaa xalay fiidkii Aqalka Madaxtooyada Eritrea ku yeeshay wada-hadallo ku saabsan sidii lavatory sii xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dal, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay wasaaradda warfaafinta Eritrea.
“Labada hoggaamiye waxay hoosta ka xariiqeen in ayada oo ah dal weyn oo ku yaalla Geeska Afrika, in sugidda iyo dammaanad qaadka xasilloonida Soomaaliya ay laf-dhabar u tahay nabad iyo xasillooni waarta oo ka dhacda gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka.
“Madaxweyne Isaias ayaa sharxay sida ay lagama maarmaanka u tahay in gobolka uu iska saaro faragelinta dibadda ee inta badan wada ajandayaasha hurinta iyo abuurista colaadaha iyo qalalaasaha gobolka. Marka tan la eego, waxaa muhiim ah in gobolku uu wax ka qabto oo uu iskiis u xalliyo caqabadaha u gaarka ah.”
Afwerki ayaa dhinaca kale ku celiyey in heshiiska saddex geesoodka ah ee ay Eritrea, Soomaaliya iyo Masar ku gaareen Asmara uusan lahayn ujeedo aan ka aheyn xoojinta xiriirada iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhaxeeya; damaanad qaadka amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo horumarinta danaha gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh ee Asmara ayaa timid laba toddobaad un kadib markii ay Ankara heshiis ku gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo soo afjaraya khilaaf muddo sanad ah u dhaxeeyey labada dhinac, oo ka dhashay heshiiska dhanka badda ah ee Addis-Ababa ay la gaartay Somaliland.
PUNTLAND POST