• Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions
Saturday, May 24, 2025
Mnhornnews
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
Mnhornnews
No Result
View All Result
Home Latest News

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan Ruushka

admin by admin
April 28, 2025
in Latest News
0
585
SHARES
3.2k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Villa Somalia Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Ruushka, ahna Wakiilka Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Afrika, Mikhail L. Bogdanov.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka, iyadoo labada dhinacba ay ka wada hadleen muhiimada ay leedahay ballaarinta iskaashiga siyaasadda, ganacsiga iyo amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caddeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay xoojiso xiriirka kala dhaxeeya Ruushka, isla markaana ay soo dhaweynayso doorka Ruushku uu ka qaadan karo dib-u-dhiska dalka, horumarinta dhaqaalaha, iyo xoojinta amniga.

Dhankiisa, Bogdanov ayaa ku celiyay diyaar-garowga Ruushka ee ah inuu taageero dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan nabadeynta, dib-u-habaynta hay’adaha amniga, iyo kobcinta dhaqaalaha.

Intii uu socday kulanka, Bogdanov waxa uu Madaxweynaha u gudbiyay casuumaad rasmi ah oo ka timid Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, taas oo ku saabsan ka qeybgalka Shirka Ruushka iyo Jaamacadda Carabta.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha gobolka iyo xoojinta xiriirka Ruushka iyo waddamada Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Ruushka casuumaadda, wuxuuna muujiyay in uu ka qeyb gali doono shirkaasi lagu falan qeyn doono nabadda, amniga, iyo horumarka gobolka.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee gobolka, dadaallada nabad-dhisidda, iskaashiga la dagaalanka argagixisada, iyo muhiimada ilaalinta sharciga caalamiga ah iyo ixtiraamka madaxbannaanida dowladaha.

Kulankan ayaa muujinaya dadaallada lagu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka, waxaana la filayaa inuu horseedo iskaashi cusub iyo fursado hor leh oo labada dal ay ka faa’iidi karaan.



Source_link

You might also like

Somali Defence Minister chairs stabilisation activity power assembly

Somalia’s opposition leaders convene in Mogadishu to problem president Mohamud’s election plan 

Xiisad ku salaysan muran xuduud gobol oo ka dhex aloosantay Puntland iyo SSC-khaatumo – Puntland Publish

Previous Post

Somalia PM reshuffles cupboard amid political disquiet 

Next Post

Taliyihii guud ee Ciidanka Daraawiishta SSC-khaatumo oo Maanta si rasmi ah Xilkii isaga casilay – Puntland Put up

admin

admin

Related Posts

Somali Defence Minister chairs stabilisation activity power assembly
Latest News

Somali Defence Minister chairs stabilisation activity power assembly

by admin
May 24, 2025
Somalia’s opposition leaders convene in Mogadishu to problem president Mohamud’s election plan 
Latest News

Somalia’s opposition leaders convene in Mogadishu to problem president Mohamud’s election plan 

by admin
May 24, 2025
Xiisad ku salaysan muran xuduud gobol oo ka dhex aloosantay Puntland iyo SSC-khaatumo – Puntland Publish
Latest News

Xiisad ku salaysan muran xuduud gobol oo ka dhex aloosantay Puntland iyo SSC-khaatumo – Puntland Publish

by admin
May 24, 2025
Somali Delegation Led by Deputy Info Minister Bolsters Media and Diplomatic Ties in Ankara – Somali Nationwide Information Company
Latest News

Somali Delegation Led by Deputy Info Minister Bolsters Media and Diplomatic Ties in Ankara – Somali Nationwide Information Company

by admin
May 24, 2025
Opposition Leaders Maintain Essential Talks in Mogadishu Over Somalia’s Political Future
Latest News

Opposition Leaders Maintain Essential Talks in Mogadishu Over Somalia’s Political Future

by admin
May 23, 2025
Next Post
Taliyihii guud ee Ciidanka Daraawiishta SSC-khaatumo oo Maanta si rasmi ah Xilkii isaga casilay – Puntland Put up

Taliyihii guud ee Ciidanka Daraawiishta SSC-khaatumo oo Maanta si rasmi ah Xilkii isaga casilay – Puntland Put up

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Recommended

The Nationwide Consultative Council assembly continues for its fourth day within the capital, Mogadishu – Somali Nationwide Information Company

The Nationwide Consultative Council assembly continues for its fourth day within the capital, Mogadishu – Somali Nationwide Information Company

October 6, 2024
Turkish Official Faces Fees of Misconduct in Somalia – Somali Nationwide Information Company

Turkish Official Faces Fees of Misconduct in Somalia – Somali Nationwide Information Company

September 18, 2024

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

About Us

Welcome to Mnhornnews The goal of Mnhornnews is to give you the absolute best news sources for any topic! Our topics are carefully curated and constantly updated as we know the web moves fast so we try to as well.

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

Recent Post

  • Somali Defence Minister chairs stabilisation activity power assembly
  • Somalia’s opposition leaders convene in Mogadishu to problem president Mohamud’s election plan 
  • Xiisad ku salaysan muran xuduud gobol oo ka dhex aloosantay Puntland iyo SSC-khaatumo – Puntland Publish

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.