BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta isku shaandheyn ballaaran ku sameeyay golihiisa wasiirada, kadib wareegto uu soo saaray.
Tallaabada uu qaaday Laftgareen ayaa saameysay wasiiro hore, halka kuwa cusubna la magacaabay, kuwaas oo isugu jiro wasiiro, wasiir dowle iyo wasiir ku xigeeno kala ah:-
1-Ibraahim Aadan Cali (Najax) wasiirka cadaaladda iyo garsoorka
2-Xasan Cabduqaadir Maxamed wasiirka amniga
3-Nasra Aweys Sheekh Xuseen wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka
4-Mustaf Axmed Iidow wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare
4-Isaaq Cali Subag wasiirka baaraha iyo waraabka
6-Cali Sheekh Cabdullaahi (Cali Afgooye) asiirka dekadaha iyo gaadiidka
7-Maxamed Isaaq Ibraahim wasiirka macdanta iyo batrolka
8-Saciid Axmed Cali wasiirka dastuurka
9-Cabdifitaax Maxamed Cali (Abroone) wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka badda.
10-Eng. Diini Cabdinuur Maxamed wasiirka bay’ada iyo isbeddalka cimilada
11-Nuur Siidow Baaba wasiirka diinta iyo awqaafka.
Wasiir Dowle.
1-Dr. Maxmed Ibraahim Nuur wasiiru dowlaha madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Wasiir ku xigeenno
1-Maxamed Xuseen Xasan (Cadaawe) wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka.
2-Maxamed Qays Xasan Maxamed wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha
3-Cumar Daa’uud Khaliif wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo batroolka.