Macallin lagu magacaabo Cabdiqaadir Cabdisalaan Siyaad (Cabdiqaadir Dheere) oo kamid ah macallimiinta Waxbarashada ayaa mudda todobaad ah ku xiran caasimadda Puntland ee Garoowe.
Cabdiqaadir Dheere oo ka tirsanaa macallimiinta bahda Waxbarashada ee Garoowe ayay laamaha Amniga gobolka Nugaal Todobaadkii hore ka soo qabtay dugsiga Gambool ee Garoowe, kaddib markii ay sheegeen in bathroom haysto falal argagixiso.
Shakhsiyaad xiriir la leh laamaha Amniga gobolka Nugaal ayaa sidoo kale xalay faafiyay in macallin Cabdiqaadir Dheere lagu haysto in uu Fb ka taageeray Argagixisada Daacish, inkastoo aysan soo bandhigin caddayn muujinaysa eeddaasi.
Dhinaca kale, Xogo dhinaca amniga ah oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in aysan waxba ka jirin wararka ku saabsan in macallinkaasi uu Fb ka taageeray Argagixisada Calmiskaad, balse lagu haysto feedback uu meel ka bixiyay oo aan khusayn Daacish.
PUNTLAND POST