Itoobiya ayaa billowday in ay sahmiso dekedda Lamu ee Kenya, halkaa oo ay tageen wefdi darsaya sida ay dekedan iyo midda Mombasa u noqon karaan goob kale oo ay ka soo deggaan badeecadaha Itoobiya.
Badeecadaha Itoobiya ayaa markii hore kaliya ku ekaa dekedda Jabuuti, laakin hadda Itoobiya ayaa sheegaysa in dhinaca Jabuuti ay kala kulmayso dib u dhac iyo suurtagalnimada saameyn ka dhalata weerarrada ka dhacaya badda cas.
Wasiiru-dowlaha Gaadiidka iyo Saadka Itoobiya , Denge Boru oo arrintan soo bandhigay , wuxuu sheegay wafdigooda inay halkaa u tageen si ay warbixin uga soo aruuriyaan xaaladda dekedaha iyo waddada illaa Mooyaale, tan marka ay soo dhammeystiraan wuxuu sheegay inay diyaarinayaan heshiis ay la galayaan Kenya , si lavatory billaabo adeegsiga dekedda Lamu.
PUNTLAND POST