Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Gallant iyo sarkaal sare oo Falastiin ah ayaa ka wada hadlay rabshadaha ka socda Daanta Galbeed ee la haysto,sida lagu xaqiijiyay struggle ka soo baxay xafiiska wasiirkaasi.
Hadal ka soo baxay xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in Israa’iil ay doonayso in ay la dagaalanto dadka deggan Israa’iil ee weeraray bulshooyinka Falastiiniyiinta,kadib markii uu la kulmay Hussein Al-Sheikh oo ah sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Falastiin.
Tallaabadaan ayaa ku soo beegmay xilli ay isa soo tarayaan walaaca uu Maraykanku ka qabo xaaladda Daanta Galbeed ee la haysto,iyadoo sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ugu baaqeen dhinacyadaasi in ay ka shaqeeyaan sidii xiisadda bathroom qaboojin lahaa.
“Israa’iil waxay ciqaab buuxda marsiin doontaa dadka rabshadaha sameynaya,” ayuu yiri wasiirka difaaca Israa’iil,kaas oo uu ula jeeday canaasiirta xagjirka ah ee dadka Yuhuudda.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay xafiiska sarkaalka Falastiin ee lala kulmay.
PUNTLAND POST