Taliska Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Puntland ayaa shaaciyay warbixin ku saabsan khasaaraha shilalkii dhacay lix-dii bilood ee la soo dhaafay.
In ka badan 800 oo shil ayaa ka dhacay Puntland lix-dii bilood ee la soo dhaafay, sida uu shaaciyay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka G/sare Cabdifitaax Siciid Saleebaan (Afrikaan).
G/sare Afrikaan ayaa sheegay in guud ahaan shilalkaasi ay ku dhinteen 45 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 188 qof, oo ay ku jiraan 109 dhaawacyo culus ah, islamarkaana ay ku baaba’een ilaa 27 baabuur.
“Lix-dii bilood ee la soo dhaafay 801 shil ayaa ka dhacay guud ahaan Puntland, waxaana ku dhintay 45 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 188 qof oo ay ku jiraan 109 dhaawacyo culus ah, waxaana fursadda ka baxay ilaa 27 baabuur” ayuu yiri G/sare Afrikaan.
Taliye Afrikaan ayaa sidoo kale sheegay in shilalkii gaadiidka ee dhacay lix-dii bilood ee la soo dhaafay ay ka yar kuwii yihiin lix-dii bilood ee ka sii horraysay, taasina muujinayso hoos u dhac ku yimid shilalka.
PUNTLAND POST