Ugu yaraan 66 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen daadad iyo dhul go’ ka dhacay dalka Nepal.
Tirada dhimashada ayaa laga yaabaa in ay kororto kaddib marki lasoo wariyay in la la’yahay ku dhawaad 7 qof.
Saraakiisha wasaaradda arrimaha gudaha ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dadka dhaawaca ah ay gaarayaan 60 qof.
Dadka dhintay ayaa intooda badan ku noolaa dooxada Kathmandu oo hooy u ah dad gaaraya 4 milyan oo ruux isla markaana ah caasimadda waddanka.
Shaqaalaha gurmadka oo adeegsanaya diyaaradaha qummaatiga u kaca iyo doonyaha caagga ah ayaa isku dayaya in ay dadka soo badbaadiyaan.
PUNTLAND POST