• Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions
Thursday, May 22, 2025
Mnhornnews
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
Mnhornnews
No Result
View All Result
Home Latest News

Farmaajo & Shariif oo digniin kasoo saaray qorshaha Villa Soomaaliya ee dastuurka

admin by admin
March 29, 2024
in Latest News
0
Farmaajo & Shariif oo digniin kasoo saaray qorshaha Villa Soomaaliya ee dastuurka
585
SHARES
3.2k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter


MUQDISHO (SMN) – Madaxweynayaashii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Sharfiif Sheekh Axmed oo si wadajir ah usoo saaray warsaxaafadeed ayaa ka digay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan wax ka beddelka dastuurka oo lagu wado in beri uu go’aan ka gaaro baarlamaanka Soomaaliyeed.

 

Farmaajo iyo Shariif ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh keligii talisimo iyo inuu ka shaqeynayo danihiisa gaarka ah.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Natiijada la sii ogyahay ee ay qorsheeyeen Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ka soo baxdo fadhiga Labada Aqal ee lavatory ballansan yahay maalinta Sabtida ah 30ka Maarso 2024, waa mid sii cadayneysa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uusan danaynaynin wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, oo uu kashaqaynayo oo kaliya dano u gaar ah..

Qorshaha haatan socda ee Madaxweynuhu uu ku doonayo in uu kula wareego awoodaha Baarlamaanka iyo Guddoonka Labada Aqal ee la xisaabtan la’aanta xukuumadda, doorka hoggaamineed ee Ra’iisul-Wasaarah iyo hannaanka doorashooyinka, gaar ahaan masuuliyadaha heer xukuumadeed iyo heer dowlad-goboleed ee soo xulista Guddiga Doorashooyinka waa mid caddeyn u ah nooca dastuurka iyo doorashooyinka uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.

Waxaa nasiib darro ah in Madaxweyne Xasan uu dhagaha ka furaysto tallooyinkii iyo dadaalladii lagu saxayey hannaanka lavatory marayo dib u eegista Dastuurka iyo in heshiis siyaasadeed laga gaaro qodobbada masiiriga ah, si dalku uu u yeesho dastuur heshiis lagu yahay.

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay qaadeen jid halis ku ah sharciyadda iyo jiritaanka dowladnimada dalkeenna, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa in ay ka waantoobaan, kuna soo celiyaan Golaha shaqada ay wakiilka uga yihiin shacabka Soomaaliyeed ee ah ilaalinta sharciga iyo midnimada dalka.

Dastuurkan la rabo in lagu meel mariyo hanaan sharci darro ah, oo aanan haysanin aqbalaad bulsho, iyo heshiis umadeed, marnaba uma aqoon doonno dastuur leh sharciyad iyo dhaqangal, maadama uusan ka turjumeynin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qodobbadii tiir-dhexaadka u ahaa dib u heshiisiintii siyaasadeed ee ummadda Soomaaliyeed, sida awood qaybsiga.

Go’aan kasta oo baalmarsan xeer hoosaadka Baarlamaanka, heshiiska siyaasadeed ee Madasha Qaranka oo markii horeba ay ka maqnayd Puntland iyo habraac si fowda ah loogu codeeyey oo aan heshiiska lagu aheyn ee Guddoonka Baarlamaanku ay ku doonayaan in ay ku meel mariyaan hindisaha halka dhinac ah ee dastuurka, waxa uu noqonayaa mid aan sharciyad haysanin.

Haddii Madaxtooyadu ay ku sii dhago adeygto qorshahan halista ku ah qarannimada Soomaaliyeed waxaa muhiim ah in la isugu yimaado shir wadatashi oo ay ka soo qeyb-galayaan masuuliyiinta iyo daneeyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliyeed, kaas oo lagu ilaalinayo dowladnimada iyo midnimada dalkeenna iyo dadkeena.

Wa Billaahi Al-towfiiq.



Source_link

You might also like

Somali Nationwide Military Achieves Main Victory In opposition to Khawarij in Decrease Juba, Over 40 Militants Killed – Somali Nationwide Information Company

Somali Forces Kill Senior Al-Shabaab Chief in Operation, says NISA

Somalia’s president sparks outrage after remarks showing to justify kickbacks 

Tags: dastuurkadigniinFarmaajokasooqorshahasaarayShariifSoomaaliyaVilla
Previous Post

Somalia’s parliament to approve controversial adjustments to structure

Next Post

Gubadleey Celebrates the Inauguration of New Administrative Heart – Somali Nationwide Information Company

admin

admin

Related Posts

Somali Nationwide Military Achieves Main Victory In opposition to Khawarij in Decrease Juba, Over 40 Militants Killed – Somali Nationwide Information Company
Latest News

Somali Nationwide Military Achieves Main Victory In opposition to Khawarij in Decrease Juba, Over 40 Militants Killed – Somali Nationwide Information Company

by admin
May 22, 2025
NISA oo warsaxaafadeed kasoo saartay arrinta Shirkadda Hormuud
Latest News

Somali Forces Kill Senior Al-Shabaab Chief in Operation, says NISA

by admin
May 22, 2025
Somalia pronounces candidacy for AU Peace and Safety Council 
Latest News

Somalia’s president sparks outrage after remarks showing to justify kickbacks 

by admin
May 22, 2025
Gaalkacyo waxaa qasaya Rag weligood soo raaci jiray Cadowga Puntland – Puntland Put up
Latest News

Gaalkacyo waxaa qasaya Rag weligood soo raaci jiray Cadowga Puntland – Puntland Put up

by admin
May 21, 2025
Somali FM Discusses Enhanced Bilateral Cooperation with Swedish Ambassador – Somali Nationwide Information Company
Latest News

Somali FM Discusses Enhanced Bilateral Cooperation with Swedish Ambassador – Somali Nationwide Information Company

by admin
May 21, 2025
Next Post
Gubadleey Celebrates the Inauguration of New Administrative Heart – Somali Nationwide Information Company

Gubadleey Celebrates the Inauguration of New Administrative Heart – Somali Nationwide Information Company

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Recommended

Somalia’s Minister of Justice Meets UN Delegation to Strengthen Justice System and Rule of Legislation – Somali Nationwide Information Company

Somalia’s Minister of Justice Meets UN Delegation to Strengthen Justice System and Rule of Legislation – Somali Nationwide Information Company

February 20, 2025
Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo qabsaday kantaroolka waqooyiga Gaalkacyo – Puntland Submit

Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo qabsaday kantaroolka waqooyiga Gaalkacyo – Puntland Submit

October 10, 2024

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

About Us

Welcome to Mnhornnews The goal of Mnhornnews is to give you the absolute best news sources for any topic! Our topics are carefully curated and constantly updated as we know the web moves fast so we try to as well.

Categories

  • Business
  • Entertainment
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Sports
  • Travel

Recent Post

  • Somali Nationwide Military Achieves Main Victory In opposition to Khawarij in Decrease Juba, Over 40 Militants Killed – Somali Nationwide Information Company
  • Somali Forces Kill Senior Al-Shabaab Chief in Operation, says NISA
  • Somalia’s president sparks outrage after remarks showing to justify kickbacks 

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Sports
  • Entertainment
  • Health
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop

Copyright © 2023 Mnhornnews.com | All Rights Reserved.