Dugsiyada Qur’aanka horumarintooda waa ilaalinta hana qaadka wanaagasan ee ilmaha iyo dhisidda dhaqanka SOOMAALINIMMADA!
“Macallinkeen Permit Kaal, Macallinkiis Permit Kaal!… Waalidkeen Permit Kaal Waalidkiis Permit Kaal!…” Waa waqtigaas isaga ah, ee qorraxdu godka sii geleyso, waxaa iyadana xilligaas oo kale caadi ahaan magaalooyinka waaweyn qaarkood la arki jiray haadda oo geedaha dushooda u sii hoyaneyso…Waa SHaafiintii ay ardayda qaadi jirtay magribkii marka dugsiga quraanka uu soo dhammaado maalinkaas, waxay ahayd maalmo iyo dhaqan wanaagsan oo runtii dhidibbada u aasay garashada dhaqanka islaamiga ah iyo ixtiraamka uu aradyga u hayo macallinka qur’aanka bara, iyo waalidkiisa. SHaafiinta waa duco ay ardayda macallinkooda u ducenayaan, duco ay ardayda waalidiintood u duceynayaan, duco ay iyaga duceysanayaan, waxay ahayd habka lagu gabagabeeyo barashadii casharradii qur’aanka ee maalintaas ardaydu qaateen, waxayna ahayd duco kor lavatory qaado oo jiib leh oo daalkii iyo hawshii adkeyd ee barashada casharka ee maalintaas ku soo dhameysa jiib iyo duco, farxad iyo himmad cusub oo ardayga dar-dar gelisa inuu beri dugsiga soo aadana jecleysiisa, isla markaasna ku beerta kal gacaylka iyo baarinimmada waaliidka!…
SHaafiinta, waxaa mararka qaarkood fasiri jiray macalimka, waxayna ilmaha yar-yar dareemayeen quruxda ducada iyo kaalmeysiga Alle sida ay muhiim u tahay “Magaca Eebbe ayaan ku bilaabaynaa, Kaasoo (Eebbe) aan magaciisa waxba lagu wax-yeeleyn dhulka iyo cirka gudahooda, isagaana Maqle-Ogsoone ah (wax walba maqla wax walbana ogsoon oo ku xeel dheer)” waxaana marar badan la bari jiray inay u duceeyaan waalidiinta dhimatay oo Alle u baryaan!… waxaana caado ahaan la arki jiray marka ay shaafiinta qaadaan ardayda oo mar keliya soo yaacday oo wada faraxsan, oo is eryanaya, wada cayaaray, wada qoslaya!…oo inta ay guryahoodii u sii socdaan dadka waaweyn ee jidadka ay kula kulmayaan ay u muujinayaan inay ku faraxsanyihiin barashadooda qur’aanka, si kal-gacayl iyo ixtiraam ku dheehanyahay!… waxaa mararka qaarkood dhici jirtay in nin uusan aqoon intuu madaxa u salaaxo yiraahdo “Orod gurigii aad waad daalantahayee..orod gurigii aad oo cunto raadso…”…ilmuhu wuxuu ku barbaari jiray muslimno, iyo Soomaalinimo….waxaana halkaas ka bilaabanayay qayb muuhim oo dhaqanka wanaagsan ee is maqalka ah, oo ilmaha yar uu qofka ka weyn wax ka maqlayo, oo qofka weyn uu toosin karo ilmaha yar haddii ay wax ka qaloocdaan!…
DHaqan wuxuu ahaa asal ah, wuxuu ahaa dhaqan wax barasho haddii ay tahay qur’aanka, iyo haddii ay tahay barbaarinta ilmaha, iyo jacaylka waalidka iyo ilmaha, dhaqanka nolosha ee dadkiisa Soomaaliyeed, wuxuuna ku barbaarayay fikir ah Soomaalinimmadu inay tahay muslimnimmada, muslimnimmadana ay tahay Soomaalinimmada! Ilmuhu wuxuu iskuulka tegi jiray isagoo dhaqan ahaan u diyaarsan wax-barashada maadiga ah ee iskuullaadka lavatory tegayay, dhaqankaas wax-barasho wuxuu ahaa mid xambaarsan nidaam wax-barasho oo uusan meelna ka soo gelin nidaam kale oo dibadaha laga keenay, haddii ay tahay ardayga sida qur’aanka lavatory barayo, anqaasta dhuxusha iyo malmalka iyo xodayga lagu soo riiqay, ama ay tahay looxa casharka ama far-barashada lagu qorayo, ciidda la fadhiyo ama sida meelo aan badneyn ka jirta darmaha lagu fadhiyo!… waxay ahayd wax-barasho nidaamku aad u fududyahay oo macallinka qur’aanka dhigaya uu dejistay habka ay u shaqeyneyso, wax kastana ay ka turjumayaan inay leeyihiin dadka Soomaaliyeed. Subaxdii marka ardaydu timaado dugsiga ama malcamadda, macallinka wuxuu ogaan jiray si la mid ah iskuullada maaddiga lagu barto ardayda maqan iyo kuwa jooga, waxaana dhaqan aad u wanaagsan ahaa oo cajiiba in ardayda maqan la raadin jiray oo guryahooda arday kale lavatory diri jiray, taasoo qayb ka ahayd xiriirka dugsiga iyo waalidka iyo ardayga, iyadoo ardayga dugsiga ka maqnaada cudur daar la’aan ama waalidka aysan fasax u qaadin sidaas lagu ogaan jiray.
Dugsiyada Qur’aanka ee miyiga sida ay u badanyihiin ma laha dhismayaal ee waa dhul bannaan oo ood lagu wareejiyay!
Marka xagga miyiga la eego barashada qur’aanka waxay ahayd wax- barashada keliya ee ka jirta meelaha xoolo dhaqatada ay ku noolyihii. In kasta oo ay nolosha miyiga tahay mid adag oo hawl badan haddana, haddii ay tahay raacista xoolaha iyo foofintooda, haddii ay tahay waraabintooda, haddii ay tahay naq raacista iyo geeddiga aan dhammaadka lahayn, haddii ay tahay abaaraha dhaca iyo biyaha oo mararka qaarkood yaraada oo aan joogto lavatory helin, haddii ay tahay adeegyadii nolosha ee qofka uu u baahnaa oo aan laga heleyn, haddana waxay lahaayeen dugsiyo qur’aanka lagu barto oo waliba lagu xifdiyo! Waxaa iyada middaas ka duwanaa bulshada beeraleyda ah, oo iyaga xagga wax deggenaanta iyo nolosha guud ahaan uu ka jiray nidaam u eg midka magaalooyinka waa-weyn ka jira. Dugsiyada miyiga intooda badan waxay ku yaaleen tuulooyinka deegaan ahaan u dhow daaqsiimmada u ah xoolo dhaqtada ama meelo aan ka fogeyn halka ceelka lavatory soo arooro, ama hadba tuulada u dhow reer miyigaas ee ay ka soo adeegtaan, ardayda reer miyiga ah maadaama ay noloshoodu adagtahay oo hawsha guriga ay kaalin mug leh ka qaataan haddana si mintidnimo ah oo karti dheeri ah ay ku bixinayaan bay qur’aanka ku baran jireen, waxaa lagu tilmaami karaa in waqti dheer ay maalintii geliyaan barashada qur’aanka, sababta ugu weyn saacadaha dugsiyada miyiga ama tuulooyinka ay uga badanyihiin kuwa magaallooyinka waaweyn ayaa waxaa ugu horeeya in sida aan soo sheegnayba ay ardaydaas yihiin kuwo mashquul ah, sidaas aawadeed dugsiyada qur’aanka ee miyiga waxaa intooda badan la furaa wax yar ka hor xilliga salaadda subax ay soo geleyso, markaas oo dab aad u weyn laga shido dugsiga kaasoo iftiinkiisa ardayda wax ku baraneyso inta uu waagu ka beryayo, hadduu uu qabow jirana ay kulaalaan.
Dugsiga miyiga ayaa ardaydu waqtiyo kala duwan dugsiga soo galaan, iyadoo ay ku xirantahay hadba firaaqada ardayga iyo waqtiga uu dugsiga imaan karo, waxaana taas ka duwan ardayda beeraleyda ah iyo magaalooyinka waaweyn, ama tuulooyinka oo iyagu ay ardaydu waqti keliya soo wada galaan dugsiga waqti keliyana u dhammaado. Hasa ahaatee ardayda miyiga uxuu dugsiga bilowdaa salaadda fejerka wax yar ka hor wuxuuna soo dhammaadaa ilaa 10ka fiidnimo, iyadoo inta badan xilliga habeenimmad ah dab la shiday wax lagu baranayo, qaar subcinaya, kuwo xilligaas habeenimmada ah cashar qaadanaya, kuwo casharradii ay maalinkii qaateen ku darayaan casharo cusub, kuwo uu macallinka dugsiga ka dhegeysanayo casharradooda iyo kuwo kale oo uu ka dhegeysanayo suuradaha ay dhameeyeen. Dabka ayaa lagu shidaa xaabo ay ardayda dugsiga wax ka barata ay ka soo guraan duurka, oo ah geedo qalalay, ama xero laga guuray ooddeeda, ama laamo inta la jaray laga tegay oo engegay… Dugsiyadan waxaa dhismo u ah ood lagu wareejiyay waana bannaan aan wax dhismo ah lahayn, ama sida badan bartamaha dhismo yar looga sameeyo macallinka dugsiga, ama meel yar oo lavatory waabay oo uu qorraxda iyo roobka ka galo.
DHaqanka dugsi qur’aanka wuxuu weeleeyay dhaqankii mujtamaca!
Aalaaba macallinka dugsiyada miyiga ka jira ma dhici jirin inuu noqdo qof deegaanka ka yimaada, arrintaas ma ahayn mid sabab gaar ah oo cillad ah ka dhalata, waxayse inta badan ugu wacnaa baa la oran karaa dabeecadda nolosha reer miyinimmada, oo sida caadiga ah waxaa dhici jirtay in ardayga reer miyiga ah marka uu qur’aanka barto uu ka tago deegaankiisa isagoo cilmi kororsi u socda, maadaama aan miyiga laga heleyn nidaam wax-barasho oo taxan ama meelo cilmiga laga sii kororsado, waana sidaas siyaabaha ay ku samaysmi jireen Xer-Cilmida, waxaana dhici jirtay ardayga meelaha uu cilmiga u raadsaday deegaannada ku yaala iyo baadiyahooda ku dhow inuu macallin qur’aan ka noqdo, oo lagu deegaameeyo, oo waliba looga guuriyo oo uu halkaas reer ku yeesho oo deegaankaas uu ka mid noqdo.
Ardayda dugsiyada miyiga qur’aanka ku barta iyagu barashadooda qur’aanka waxay ahayd mid in badan ay qur’aanka xifdiyaan oo guul ka gaaraan xifdintiisa oo ku dhowaad 15-20% baa suuro gal ahayd inay qur’aanka dhameeyaan ama xifdiyaan dugsi kasta, halka magaallada ay wax ka yar 10% ay suuro gal ahayd inay qur’aanka dhameeyaan iyaga oo aan dusha ka qaban, wax 5% ka yarna ay qur’aanka xifdin jireen dugsi kasta, waxaa arrintaas sabab looga dhigay sida la rumeysanyahay ama ay dadka badankood qabaan in ardayda magaallada oo iyagu wax-barshada maaddiga ah u aadayay iskuullada aqoonta maaddiga ah lagu barto ay inta badan kaga mashquulayeen wax-barashada maadiga middii qur’aanka, halka ardayda miyiga ay wax-barashadooda qur’aanka keliya ahayd isla markaasna ay saacado badan maalin kasta dugsiga qur’aanka joogayeen, meelaha qaarkood ee dugsiyada qur’aanka ee miyiga isu geyn ardayga maalintii wuxuu quraanka baranayay 13-15 saacadood halka ardayga magaallada uu baranayay isu geyn 6-10 saac, waxaa iyadana arrin saameyn weyn lahayd ah in ardayga dugsiyada qur’aanka ee magaalooyinka mar kasta ay da’ u korodhaba sii yaraanayaan saacadaha uu dugsiga tagayo, sidaas oo kale mar kasta oo wax barashadiisa aqoonta maadiga ah ay kor u kacdana waxaa inta badan soo gabagaboobi jiray barashadiisa qur’aanka. Waxaa markaa dhaqan noqday in ilmaha marka ay gaaraan heer dugsi sare, ama ay gaaraan da’aadda 15 jirka ay ka tagaan dugsi qur’aanka, waxaana si aan lagu talo gelin u samaymay caado ah in ilmaha marka ay 15 jir gaaraan ay ka tagaan barashada qur’aanka si aad moodo inay tahay dhaqan laysla qaatay.
Dugsiga Qur’aanka marka laga soo tago barashada qur’aanka, waxaa ilmaha uga kordhayay dhaqan xambaarsan dadnimo, dhaqanka iyo maamulka, macallinka dugsigana wuxuu in badan ka fahmi jiray kala dambeynta, iyo macallinku yahay waalidkiisa labaad, wuxuuna iskuulka tegi jiray isagoo fahamsan mas’uuliyadda macallinka, iyo inay ardayda dhexdooda is maamulaan, oo dugsi kasta macallinku wuxuu lahaa arday gacan yare u ah oo inta badan uu macallinka ku soo xulan jiray deggenaan, edeb, iyo inuu da’ ahaan ilmaha u weynyahay oo mararka uu macallinka soo daaho, ama uu hawl yeesho ku simo kara ardayda si nabad gelyo ah, oo magaca ahaan loogu yeeriyay Kabiir, sida magaca uu tilmaamayana ah midkii ardayda u weynaa. Waxaa kale oo si wanaagsan lavatory barayay kala dambeynta, baari u noqoshada waalidka, iyo wada macaamilka dhexdooda ah (bulshanimmada) iyo xiriir kasta oo ardayda dugsiga dhex mara uusan ka marneyn ku xirnaanta waalidkooda, taasoo mar walba xoojineysay xiriirka waalidka iyo ilmaha iyo ixtiraamka ay ilmaha u hayaan waalidka. Marka uu arday xanuunsado waxaa dhaqanka ka mid ahaa in ardayda qayb ka mid ah ama sida dugsiyada qaarkood dhici jirtay dhammaantood iyo macallinka ay guriga ku booqdaan oo qur’aan ku soo aqriyaan oo u soo duceeyaan. Haddii qoyska mid ardayda ka mid ah ay geeri gasho in dugsiga looga duceeyo, dhammaan arrimahaas waxay si toos ah iyo si dadbanba saameyn weyn uga lahaayeen dhismaha bulshada iyo koritaanka wanaagsan ee ardayga qur’aanka baranaya. Dugsiyada miyiga waxaa iyaga intaas u dheeraa, in kabiirka iyo ardayda roon-roon da’ ahaan ay markey geeri dhacdo ka qayb qaadanayeen dhaqidda iyo kafnidda maydka, qodista qabriga iyo aasiddaba maadaama aysan meelaha baadiyaha ah badankood lahayn dad gaar ah oo xabaalaha qoda oo ka shaqeysta.
Cagta ha saarin Diinka!
Wanaagga barashada qur’aanka waxay ka muuqatay ardayda barata qur’aanka, kuwooda waaweyn iyo kuwooda yar-yarba, waliba kuwa ay u suuro gashay inay tafsiirka qur’aanka wax ka bartaan, iyo sida mararka qaarkood dhici jirtay marka uu macallinka aayad qur’aan oo maalinkaas soo martay uu ardayda tusaale ahaan ugu fasiro ardayda cibaaro ay aayaddaas xambaarsantahay gaar ahaan sheekooyinka anbiyada iyo kuwa ku caasiyayay, ama sheekooyin la xiriira wanaagga ay diinta la timid iyo sida ay xummaanta u reebtay, taasoo markaas saameyn weyn ku yeelaneysay ardayga kobaca garashadiisa iyo middiisa qofnimana kor u qaadeysay. Waxaa si gaar ah xusid u mudan in dugsiyada qur’aanka ee ardaydu looxda wax ku baraneysay ay lahaayeen xaalado gaar ah oo ardayga uu isaga oo yar ku fahmi karayay weynaanta diinta iyo qiimaha ay leedahay, sidaasoo kalana kor u qaadayay jacaylka uu diinta u qabo.
Dugsiyada-Qur’aanka ee xilligii looxa iyo anqaasta, caado ahaan waxaynu soo sheegnay inaysan lahayn kuraas iyo miisado, oo ardaydu ay dhulka ama ciidda fariisan jireen, iyadoo uu sidaas xaalka yahay haddana ardayda waxay heysteen kutub qur’aan oo aan dhulka la dhigi karin, looxda ay wax ku bartaan oo iyagana dhulka la dhigi karin, una dhaxeeya dhabta ardayga marka uu casharka ku baranayo iyo inuu isaga oo qotonsan gidaarka dugsiga ku tiirsanyahay. Mar kasta oo cashar cusub la qaadanayo waxay ahayd in casharkii hore ee ku qornaa looxa la dhaqo oo laga mayro, marka maxaa dhici jiray?! Waa marka hore waxaa arrin yaab leh ahayd in ardayda dhammaantood xataa kuwa lavatory yaqaan Alifleyda oo ah kuwa weli baranaya Alif-Ba-Taa…ixtiraamka uu mudanyahay kitaabka-qur’aanka iyo guud ahaan looxda qur’aanka uu ku qoranyahay, waxaana mararka qaarkood dhici jirtay in arday ay isku dagaasho mid ku joogsada loox quraanka, ama xaashi ka go’day kitaab-qur’aanka oo dhulka ku dhacday oo uu ku joogsaday mid aan arkeyn ama uusan dhulka ka qaadin, waxaana middaas ka yaab badnaa in Dugsileydu ay wada yaqaaneen, xataa kuwooda Alifleyda ah inaan kitaabka iyo looxa qur’aanka uusan taaban karin qof aan Daahir ahayn ama aan weyso qabin… waxayna ardayda garanayeen aadna u ilaalin jireen sareynta diinta…
Looxda la dhaqayo ama casharradii hore laga mayro si cashar cusub loogu dhigto lama oggoleyn in meel kasta lagu dhaqo, iyo in meel kasta lagu qalajiyo. Waxaa iyadana qasab ahayd in dugsi kasta leeyahay meel gaar ah oo looxda lagu dhaqo oo lavatory asteeyay. Meeshaas ayaa caadi ahaan waxay ka sareyn jirtay dhulka oo sida badan ka sameysnaan jirtay dhagxaan la isa saar-saaray oo la soo wareejiiyay, ama shaaggagga gawaarida, ama jiridda geedaha. Waxaa iyadana jiray meelo lagu qalajiyo, oo iyagana joog ahaan dhulka ka sareeya, waxaana meesha ay ardayda looxda ku dhaqato lagu magacaabi jiray Diinka! Waxay ahayd meel aad lavatory dhowro oo aan lavatory oggoleyn wasakhda ama wax ka baxsan casharrada qur’aanka ah ee looxda laga dhaqay, waxaa ka reebaneyd in lagu fariisto dusheeda, in lagu istaago ama cag la saarana waxay ahayd gef ardayga cannaan u soo jiidi karta.
La soco Beri