Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u danaynaysa in Ruushku uu safaarad rasmi ah ku yeesho Muqdisho sida ay qortay warbaahinta dalkaasi Ruushka.
Soomaaliya ayaa usoo jeedisay Ruushka in uu safaarad rasmi ah ka furto magaalada Muqdisho , sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Ruushka ee RIA Novosti oo xiganaysa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi.
Ruushka oo 40 sanno ka hor Muqdisho ku lahaa adeegga diblomaasiyadeed ee ugu weyn gobolka geeska Afrika iyo halka kaliya ee ku taalla badweynta Hindiya ee safaarad uu ku lahaa , ayaa dhowaan soo bandhigay inuu doonayo sare u qaadista xiriirka Soomaaliya.
Tallaabadani ayaa timid kadib markii bishii Could ee sannadkan uu Muqdisho soo booqday Safiirka Ruushka ee Soomaaliya , Danjire Mikhail Golovanov — kaasi oo aan degganayn Muqdisho.
PUNTLAND POST