Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada oo maanta lagu qabtay magaalada Boosaaso kaasi oo looga hadlay Amniga Guud, Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, Guulaha Ciidanku gaaray, garab istaaga Ciidanka iyo Gargaar bani’aadanimo in la gaarsiiyo dadka ku nool iyo kuwa kasoo barakacay degaannada hawlgalku ka socdo ee buuralayda Cal-miskaad ee Gobolka Bari.
Kulanka waxa kale oo looga hadlay xaaladda Waddooyinka Boosaaso, iyadoo ay Dowladda hoose ee Boosaaso iyo dowladda dhexe ee Puntland iska kaashanayaan dib-u-furida Wadooyinka Boosaaso si kor loogu qaado bilicda iyo Amniga magaalada, sidoo kale waxaa Golaha kasoo baxay in la dardargeliyo shaqooyinka hore u socday ee dhismaha, dayactirka iyo dib-u-habeynta waddooyinka gobolada Puntland.
Kaddib markii uu Shirka soo dhammaaday waxaa Qodobadii ka soo baxay si wadajir ah uga hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cabdi Faarax Siciid Juxaa, Wasiirka Warfaafinta mudane Maxamuud Caydiid Dirir iyo Wasiirka Gargaarka marwo Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi, waxaana ay ka warbixiyeen Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, Guulaha Ciidanku gaaray, garab istaaga Ciidanka iyo Gargaar bani’aadanimo in la gaarsiiyo dadka ku nool iyo kuwa kasoo barakacay degaannada hawlgalku ka socdo ee buuralayda Cal-miskaad ee Gobolka Bari.
Wasiirka Warfaafinta Eng. Maxamuud Caydiid ayaa sheegay in Ciidamada difaaca dowladda Puntland guula waaweyn ka gaareen Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish, islamarkaana la wareegeen inta badan Saldhigyadii Kooxahaasi ku lahaayeen buuraha Calmiskaad, waxaana uu tilmaamay in Hawlgalkani uu sida muuqata qaadan doono wakhti ka yar intii lagu tala-galay, isagoo bogaadiyay Ciidamada kala duwan ee ka qayb-qaadanaya Hawlgalkaasi.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid Juxaa iyo Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa dhankooda ku baaqay in gurmad bini’aadanimo oo deg deg ah lala garab istaago shacabka ka soo bara-kacay degaannada uu ka socdo Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Daacish, waxaana ay si gaar ah baaq ugu jeediyeen deeq-bixiyaasha Caalamiga ah oo ay ka dalbadeen in ay gargaar bini’aadanimo u fidiyaan shacabka soo bara-kacay.
Halkaan ka daawo Muuqaalka Wasiirada
PUNTLAND POST