MUQDISHO, Soomaaliya (SMN) – Waxaa goor dhow Saldhigga Degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir lagu xiray Agaasime ku xigeenka Shabakadda Warbaahinta Shabelle Wariye Maxamuud Cabdinaasir Soofeysane.
Wariye Soofeesane ayaa looga yeeray saldhigga Booliska Degmada Xamarweyne si Su”aalo looga weydiiyo wareysi uu la yeeshay Gudoomiyaha Xisbiga Shacabka Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Suleymaan kaasi oo isna Booliska u xiran.
Maamulka Sare ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle waxa uu si adag u cambaareynayaa xarigga sharci darrada ah ee lagula kacay Wariye Soofeysane, waxaana uu dalbanayaa in si degdeg ah xuriyadiisa uu dib u helo.