Caasimadda Libya ayaa waxa weli ka sii socda dagaal xooggan oo u dhaxeeya laba koox oo hubeysan oo ku xiran dowladda fadhiggeedu yahay Tripoli, kaasi oo hakiyey duulimaadyadii garoonka kaliya ee diyaaradaha rayidka ee magaalada.
Dagaalka oo u dhaxeeya Guutada 444 iyo Xoogagga Al-Radac ayaa qarxay habeenkii Isniinta, wuxuuna sii socda illaa subaxnimada saaka ah, waxaa sidaas sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha dalkaas.
Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo mas’uuliyiinta ay sheegeen in uu sababay xiritaanka waddooyinka ku dhow garoonka diyaaradaha ee Mitiga.
Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinayey gawaarida gaashaamaan oo ku sugan bariga Tripoli, kadib markii taliye ka tirsan Guutada 444 Mahmud Hamza lagu xiray garoonka diyaaradaha Mitiga.
Duulimaayadii garoonka Mitiga ayaa la hakiyey, waxaana lavatory wareejiyey garoonka Misrata oo 180 km bari ka xigan Tripoli. Sidoo kale, diyaaradihii fadhiyey garoonka ayaa laga dhaqaajiyey.
PUNTLAND POST