Ciidamada difaaca Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in ay firxadka Argagixisada Daacish ka saareen degaannada u dhexeeya Tasjiic iyo Xabley, kaddib hawlgallo amni oo ay dhawaanahan ka sameeyeen buurahaasi.
Warsaxaafadeedkani oo uu soo saaray Xafiiska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada u qaabilsan Taliska Ciidamada difaaca dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamadu la wareegeen degaannada u dhexeeya Tasjiic iyo buuraha Xable, kuwaasi oo ay ku jiraan Darayle, Gambara, Dhaban-Gooxle iyo Dul.
“Deegaannada Ciidanku kala wareegay firxadka Argagixisada Daacish, ee ku yaalla inta u dhexaysa Tasjiic iyo Xabley, waxay kala yihiin Darayle, Gambara, Dhaban-Gooxle iyo Dul” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada u qaabilsan Taliska Ciidamada difaaca Puntland.
Dhinaca kale, ciidamada difaaca Puntland oo hawlgal ka sameeyay degaannada Isha Bilcil iyo Isha Daltoonle oo ku teedsan togga Jeceel ayaa halkaasi ku burburiyay saldhigyo ciidan oo ay ka carareen dagaallamayaasha Argagixisada ISIS.
PUNTLAND POST