Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa xalay fashiliyay isku day weerar kooxda Argagixisada Daacish doonayeen in ay u adeegsadaan diyaarad is wadda oo qaraxyo xambaarsan.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee dowladda Puntland ayaa lagu xaqiijiyayin ciidamadu fashiliyeen isku daygaasi weerar, islamarkaana soo rideen diyaarad Dronesa oo ay Argagixisadu isticmaalayeen.
“Ciidanku waxay hadda soo rideen oo burburiyeen Drone ay Argagixisadu isku dayday in ay isticmaasho” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee dowladda Puntland.
Dhinaca kale, ilo wareedyo amni ayaa muujinaya in kooxda Daacish isku dayayso weerarro daganti ah, kaddib markii ciidamada difaaca Puntland kaga guuleysteen gulufkii tooska ahaa, iyadoo laga qabsaday saldhigyadoodii buuraha Calmiskaad.
PUNTLAND POST