Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda ee ku sugan Badweynta Hindiya iyo Badda Cas ayaa sheegay in markabka ganacsi ee Basilisk oo ka babanayay calanka Liberia laga sii daayay xeebaha Soomaaliya, islamarkaana 17-shaqaale oo la socday ay dangerous qabaan.
Markabkan ayaa waxaa khamiistii weerar ku qaaday kooxo looga shakisan yahay inay yihiin burcad-badeed Soomaali ah, isagoo marayay meel 380-mayl-badeed bari ka xigta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay bayaan ku sheegeen ciidamada badda Midowga Yurub.
Midowga Yurub ayaa sheegay in ciidamadoodu ay u direen mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka ee Atalanta, si uu u soo badbaadiyo markabka iyo shaqaalihiisa oo gacanta u galay burcadbadeedda.
Mid ka mid ah shaqaalaha markabka oo ku dhaawacmay weerarka ay qaadeen kooxaha burcadbadeedda ayaa la sheegay in xaaladiisa ay aad u wanaagsan tahay, oo haatan la daaweynayo.
PUNTLAND POST